BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

HARGEYSA : Ugu yaraan 2 qof ayaa ku geeriyoodey rabashado ka dhacey Hargeysa

December 7, 2012 11:30 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Hargeysa:-Ugu yaraan 2 qof ayaa ku geeriyoodey rabshado ka dhacey magaalada Hargeysa taas oo la xiriirta natiijo hor u dhac oo ka soo baxdey doorashadii Golayaasha Dawladdaha Hoose ee todobadkii hore ka dhacdey Somaliland.

Rabshado ka dhacey Hargeysa oo dad ku dhinteen

Rabshadahan, ayaa socdey xaley illaa maanta waxaana dhigayay intooda badan taageerayaasha Ururka Xaqsoor oo la sheegey in uu soo bixi waayay.

Guddoomiyaha guddiga Ururka Xaqsoor ayaa waxa uu sheegey in lagu shubtey doorashada oo si caddaan ah loo boobey codadkii dadweynaha, waxaana uu sheegey in aysan aqbaleyn natiijada doorashada.

Masuuliyiinta Somaliland, ayaa ku baaqey in la joojiyo rabshadaha islamarkaasna cid kasta oo cabasho qabta ay u gudbiso Caddaaladda.

Doorashada Golayaasha Deegaanka Somaliland oo 10-kii sanaba mar dhacda ayaa waxa ay tahay mid muhiim ballaaran u leh Somaliland, iyada oo sida ay u dhacdo, natiijada iyo aqbalaadeedaba ay tahay mid calaamad wanaagsan ama mid xun u noqon karta Somaliland oo muddo 20 sano ah raadineysey gooni-isutaag.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA