BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Urur Siyaasadeedka MIDNIMO oo maanta lagaga dhawaaqay Magaalada Boosaaso(Sawiro),

December 11, 2012 9:25 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)-  Xaflad qado ahayd oo si heer sare ah loo agaasimay kana dhacday Hotel Jubba ayaa Maanta lagaga Dhawaaqay Urur Siyaasadeed Cusub oo kamid noqon doona urur Siyaasadeeyada Puntland kaas oo Lagu Magacaabo Urur Siyaasadeedka MIDNIMO, Xaflada lagaga dhawaaqay Ururkan ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar badan oo kamid ah indheer garadka Puntland sida Odayaal Dhaqan,Culimo,Aqoonyahan,Dhalinyaro,Qurba Joog iyo in badan oo kamid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Boosaaso.

DSCF6550Ururkan oo ay ku midaysan yihiin dad u badan aqoonyahanka puntland ayaa Hadafka loo asaasay iyo Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha Ururka oo ah Dr Saadiq Eenow oo ah aqoonyahan caan ka ah Soomaliya  Ayaa waxaa ka sheekeeyey Proff:- Shiine oo kamid ah aqoonyahanka sida aadka ah looga yaqaan Puntland, Intaa kadibna waxaa lagu soo dhaweeyey Dr Saadiq Eenow oo loo doortay Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka MIDNIMO, Dr Saadiq ayaa halkaasi ka jeediyey Khudbad dheer oo uu kaga sheekaynaayo Hadafka loo asaasay ururkan iyo halka ay ka timi fikrada lagu asaasay urur Siyaasadeedka MIDNIMO, Dr Saadiq ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in loo doorto Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedkan Cusub wuxuuna tilmaamay inay ururkan ku midaysan yihiin dad fara badan oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee Bulshada, wuxuuna sheegay inuu ururkani yahay urur Siyaasadeed Mucaarad ah oo u tartami doona hogaanka Puntland isagoo sheegay inuu yahay urur u taagan inuu xaliyo dhibaatooyinka ka jira Puntland oo uu sheegay inay kamid tahay Dhaqaalo Daro iyo Furnaan la’aan Siyaasadeed.

Daawo Sawiro badan

Dr Saadiq Eenow ayaa sheegay inay ururkiisa ka go’antahay inuu u hadlo Dadka Puntland inta uu Mucaaradka yahayna inuu ku dirqiyo Dawlada talada haysa inay fuliso danaha umadda Puntland, Hadii aan talada dalka ku guulaysanana Puntland waxaan u jihayn doonaa wado Horumaineed anagoo soo dhawayn doona cid kasta oo kamid ah Bulshada Puntland ayuu yiri Dr Saadiq,

Dr Saadiq Eenow oo ka hadlaayey Arimaha iminka ka jira Puntland iyo Mudada Sanadka ah ee loogu daray Dawlada haatan jirta ayaa Nasiib daro ku tilmaamay in laga hadlo Sanad la kordhiyey iyadoo lo ogyahay inay Puntland ka jiraan xaalado Dhaqaale,Amaan iyo Bulsheed wuxuuna sheegay inay Sharciga caalamiga ah la tiigsan doonaan cid kasta oo iskudayda inay Puntland qalalaase ka abuurto xabadna ku disha wiil ama Gabar reer Puntland ah.

Siyaasiga Caanka ah ee reer Puntland Cali Cabdi Awaare oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si aada usoo dhaweeyey urur Siyaasadeedka MINIMO wuxuuna kula dardaarmay inay noqdaan kuwo hadafka 1-aad ka dhigta danaha Umadda si ay u helaan kalsoonida shacabka Puntland, Siyaasi Awaare ayaa siweyn usoo dhaweeyey Xibiyada laga furnaayo Puntland walow uusan isagu sheegin inuu furan doono urur Siyaasadeed wuxuuse sheegay inuu isagu arkin kasoo shaqeeyey Markuu ahaa wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose Dawladii Madaxweyne Cadde Muuse.

Zakriye Isticmaar oo isaguna ku hadlaayey Afka qurba joogta Puntland ayaa sheegay inay  qurba Joogto Puntland ay si aada Niyada ugu hayaan nidaamka xisbiyada badan ayna aad u doonayaan inuu Puntland ka hirgalo nidaamkan maadama uu nidaamkani dalka u horseedi doono Horumar balaaran sida aan ku aragnay wadama aan ku noolahay ayuu yiri Zakariye.

Dhamaan Dadkii halkaasi ka hadlay oo iskugu jirey dad xubno ka ah urur Siyaasadeedka Cusub ee MIDNIMO iyo kuwa xaflada kasoo qayb galay ayaa soo dhaweeyey ku dhawaaaqista ururkan waxaana kamid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay, Caaqil Xaaji Xuseen Gacayte, General Cali Ismaaciil oo xubin ka ah Ururka, Aamina Cumar Maxamuud oo kamid ah qurba joogta puntland iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Urur Siyaasadeedka MIDNIMO ayaa noqonaaya kii 5-aad ee lagaga Dhawaaqo Gudaha Puntland waxaana ka horeeyey ururada Kala ah, HOSEED,HIMILO,UGUB &HOR-CAD, Waxaana Maalmahan lagu wadaa in ururo kale lagaga dhawaaqo gudaha Puntland, kuwaas oo u tartami doona  Talada Dalka Puntland, Dadka Puntland ayaa la rajaynayaa inay Bisha May ee sanadka soosocda ay u dareeraan Doorasho Xor ah 15-sano oo ay Puntland jirtey kadib.

Mukhtaar Cabdi Faarax
puntlandpost,Boosaaso,PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA