BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

ADDIS ABABA: Dowlada Federaalka ee Soomaaliya oo weli wada in laga taqaluso Federaalnimada (Warbixin)

January 30, 2013 8:00 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Addis Ababa: (pp)-  Wararka Puntlandpost ka soo gaaraya magaalada Addis ababa ayaa sheegaya in shirar maalmihii tegay ay ku yeesheen Wassiiro arrimo badeedka IGAD magaalada Addis ababa , in looga dooday arrimaha Federaalka ee Soomaaliya, kaddib markii Madaxweynaha Federaalka iyo Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya  ay goobtaas la tageen in Federaalku uu soomaaliya khatar aad u weyn ku hayey.

GAD oo ka doobay Soomaaliya

GAD oo ka doobay Soomaaliya

Arrimahaas oo aad looga dooday ayaa wasiiro arrimo dibadeedka IGAD badankood ay soo jeediyeen in Soomaaliya qaabka ay hada u shaqaynayo aan waxba laga bedeli karin , qaabkaas oo ah kan federaalka oo Soomaalida badankeed ay u aragto xal kama danbays ah.Arrimaha jubbooyinka oo shirkaas looga soo qaaday ayaa dowlada ku doodaysay in iyada loo madax-banaaneeyo, taas oo cadaynaysa in dowlada Weli caqabad ku tahay in  shacabka Jubbooyinka ay samaystaan maamulka Jubbooyinka.

Madaxweynha DF ee Soomaaliya oo isagana la kulmay Madaxweynayaasha dalalka IGAD ayaa weli isagana ku dhigan in Federaalnimada daaqada laga tuuro, waxaana wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in looga horyimi fekerkaas, loona sheegay in Soomaaliya inay lugaheeda ku istaagto Caalamku ay ku bixiyeen Hanti aad u ballaaran , iyadoo madaxweynaha lagu amray inuu tixgeliyo aayaha iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Dalalka Caalamka iyo kuwa Deriska ah ayaa u arka madaxweynaha iyo kooxaha kala taliya siyaasada,  kuwo ku deg degaya in Soomaaliya ay ku laabato Godkii laga soo saaray, waxaana Wararku intaas ku darayaan in Cabashooshin ay  horay ugu gudbiyeen Caalamka,  dowlada  Puntland iyo gobolada kale ee Waqtigan doonaya ina Federaalnimada dhistaan.

Cabashooyinka laga gudbiyey Madaxweynaha sida warar sugan nagu soo gaarayaan ayaa sheegaya in madaxweynaha lagu eedaynayo inuu Soomaaliya uu dib ugu celinayo Waqtigii dagaalada Sokeeye.

Dowlada Puntland ayaa la sheegayaa in Caalamka ay u gudbisay bilihii la soo dhaafay in Kalsoonida ay kala laabanayo dowlada Federaalka ee Soomaaliya , hadii ay isku daydo inay farageliso waxii Soomaalidu ay ku heshiisay, Waxayna Puntland cabashadeeda ay ku qeexday sida wararku nagu soo gaarayaan in ay qodobaysay hadalo cad oo horay uga soo yeeray Madaxweynaha DF , kuwaas oo badankood taabanayey meel ka dhacna ku ah Sharciga Federaalka.

Puntlandpost.com

 

 

 

 

 

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA