BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Afrika: Fursad Maalgashi By, Saciid Cali Shire

December 24, 2012 1:41 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Meesha 10 sano ka hor joornaalka “The  Economist” uu Afrika ku tilmaamay “qaaraddii aan mustaqbalka lahayn”, horraankii sannadkaan wuxuu ku tilmaamay “xiddig  soo baxaysa”. Asbaabta ugu weyn ee keentay in Afrika lagu tilmaamo xiddig soo baxaysana, waa koboca dhaqaale ee ay samaysay 10-kii sano ee la soo dhaafay.

afflagQof kasta oo fiiriya tirakoobyada dhaqaalaha wuxuu arkayaa in Afrika, intii ka dambaysay 2000, ay ahayd qaaradda labaad ee ugu koboca fiican caalamka – Aasiya oo kaliya ayaaba ka horraysay. Kobocaas dhaqaale, Afrika inteeda badan, waxaa ka horreeyey ama dhinac socday isbeddello la taaban karo oo laga sameeyey dhinacyada: dawlad-wanaagga, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Awoodda wax iibsiga shacabka (purchasing power) oo iyana si aad ah sare ugu kacday, ayaa gacan weyn ka geysatay kobocaas. Kobocaas dhaqaalaha iyo isbeddelladaasi waxay Afrika ka dhigeen qaarad si aad ah ay isha ugu hayaan sharikaadka iyo dawladaha  caalamka oo dhammi. Sii Akhri 

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA