JABUUTI: Amina Muuse Weheliye oo ah suxufiyad aad looga yaqaan Soomaaliya ayaa dib u xusuusisay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay dhowraan anshaxa saxaaafada iyo in mar uun lagula xisaabtami doono wixii dhibaato ah ee ay ku geystaan shaqooyinka ay hayaan.
Waa inay suxufiyiintu ogaadaa oo mar walba maanka ku hayaan in war ay sii daayaan uu keeni karo dhibaato baaxad weyn leh oo saameyn ku yeelata dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Amina Muuse oo soo qaadatey tusaalooyin ku saabsan hab dhaqanka qaldan ee suxufiyiinta Soomaaliyeed ay wararka u soo tabiyaan oo ay ayadu waayo arag u ahayd.
Hoos ka daawo.