BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Ardayda jaamacadda PSU oo sameeyey buundo aad loogu baahnaa

January 31, 2013 4:35 pm GMT - Written by Hirsi - Edited by Hirsi

Garoowe(PP)- Ardayda Jaamacadda PSU ee Garowe ayaa si tabarucaad ah u sameeyey buundo aad loogu baahnaa oo ay muddo soo wadeen dhismeheeda,iyoogoo buundadan dhinac mariyey halkii hore ee baabuurtu mari jirtay si dadka iyo gaadiidku u kala helaan laba dhabe oo ay kala maraan.

Ardayda dhowaan yeeshay guddoon cusub ayaa go,aansaday inay  inta wadaan waxbarashada oo ay joogaan jaamacada ay dadka uga tagaan calaamad lagu xusuusto,oo dadka wax tar u leh si ay ugu daydaan,jiilasha soo socda.

bundooGuddoomiyaha ardayda jaamacada Puntland C/raxmaan Geelle Ciise oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay inay ujeedkoodu yahay waari mayside war ha kaa harro”dad ayaa naga horeeyey ama dugsida ahaadeen ama jaamacadaha ahaadeen kolay raad bay ka tageen angguna sidoo kale raad ayaanu ka tegaynaa ,oo hadde xaalku waa waari mayside war ha kaa hor” ayuu yiri guddoomiye Ciise oo intaasi ku daray inay dhiiri gelin iyo gacan dhaqaalaba uga baahan yihiin jaaliyada diba ee reer Puntland si ay u tayeeyaan shaqadan ay wadaan.

Ardayda jaamada PSU ayaa ka soo dhalaalay talaabo wax ku ool ah oo aan horay cid u dhaqaaday aysan jirin,waxaana ay mudnaan lahaayeen gacan laga siiyo hindisaha horumarineed ee ay ku talaabsadeen si  loogu dhiiri geliyo howlo kale oo kuwan ka baaxad weyn oo ay bulshada u qabtaan.

Puntland oo uu aad ugu badan yahay musuq maasuqu ayaa waxaa aad u yar maskax curisa hal abuur dhaxal gal ah,waxaana hormoodka hay’adaha iyo madax dowladu tartan ugu jiraan inay sameystaan guryo qasri ah inta ay ceel darkiisa taagan yihiin,halkii adeega bulshada wax laga qaban lahaa.

Gacan la siiyaa ardaydaan waxay garab gaashaan u noqn lahayd inuusan hagaasi xoogga soo kacay ee fakaray inuu wax ka qabto caqabadda mudada jiray iyadoon cid u dirtay in dhaqaale ku siisay mid uusan jirin.

buundo1buundo111buundooooo

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA