BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Baaq Nabadeed ay soo saartay Jaaliyadda Puntland Community Organisation ee Magaalada Gothenburg- Sweden

December 30, 2012 1:31 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Gotenberg: (pp)-Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen xubnaha jaaliyadda Puntland community organisation ee magaalada Gothenburg ,kaas oo  looga hadlayey  horumarka iyo waxqabadka jaaliyadda 2012 iyo xaaladda  siyaasadeed ee ay Puntland ku sugan tahay maanta.

Puntland Community Organization (Gotenberg)

Puntland Community Organization (Gotenberg)

Xubnihii ka soo qaybgalay kulanka waxay isku afgarteen in  dhismaha dawladda Puntland ay soo martey marxalado kala duwan. Dhismihii dawladda Puntland waxay  bulsho weynta Puntland ku nool u horseeday in ay kaga badbaadey burburkii iyo dagaaladii sokeeye ee saameeyey dalka Soomaaliya.

Puntland waa goobta keliya  ay ka jirta dawlad goboleed  dhisan, isla markaasna aaminsan inay ka mid tahay dawladda federalka soomaaliya. Sida caada aheyd Puntland waxay had iyo jeer u taagneeyd midnimada ummadda Somaaliya iyo difaaca qaranimada soomaaliyeed. Geedi -socodkii nabadda ee loo maray in lagu dhiso barlaamaanka manta jira, laguna doortay madaxweyne somaaliyeed waxay dawladda Puntland ku laheyd door muhiim ah oo la taaban karo.

Dawladda Puntland waxay tusaale wanaagsan u tahay gobolada kale ee soomaaliya inay ku daysadaan, dhistaanna nidaam dadku wada leeyahay, kana shaqeeya danta dadweynaha.  Puntland waxay mareysa marxalad Puntland loo aqoonsan yahay inay tahay Meel nadaam iyo kala dambeyni ka jirto isla markaasna leh dawlad, taas oo xiriir fiican la leh dawladaha aduunka iyo ururada caalamiga.

Puntland waxa ku nool bulsho aad u faro badan oo nabad ku wada nool. Sidaas darteed  waxa muwaadin kasta ee ku nool Puntland ku waajib ah in uu ilaaliyo nabadda iyo wada noolaashaha bulsho weynta soomaaliyeed ee ku nool Puntland. Waxa muuqata fursad wanaagsan oo ay Puntland ugu gudbi karto nidaam demokrati ah oo  loo siman yahay.

Sidaas daradeed waxan u direeynaa baaq dhammaan bulsho weynta ku nool Punland in laga fogaado arin kasta oo khalkhal gelin karta  nabadda ka jirta Puntland.Waxan aaminsan nahay in midnimada Puntland ay tahay arin muqadas ah oo loo baahan yahay in  si wadajir ah loo ilaaliyo.

Waxaan dhammaan madaxda dawladda, isimada, aqoonyahannada,siyaasiyiinta iyo waxgaradka ku nool Puntland ugu baaqeeynaa in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda iyo midnimada Puntland, laga hortago arin kasta oo keeni karta nabadgelyo xumo iyo dibudhac.

Puntland Community Organisation.

Puntland Community Organization ( Gotenberg)

Kala xiriir: abdullahi.mohamed.ahmed1@gmail.com

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA