BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BAAQ: Ragga gooddinaya ma qallaa ku jira mise naqtiin bay rabaan?!?!

December 17, 2012 8:41 am GMT - Written by PP - Edited by PP

“Baaq ku wajahan xaaladda cakiran ee Puntland”

Ku: Waxgaradka & Isimada Puntland
Ku: Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland
Ku: Mucaaradka Puntland
Og: Qurbajoogta & Qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland
Og: Waxgaradka Soomaaliweyn

Xaashi Yaasiin Cismaan

Xaashi Yaasiin Cismaan Keenadiid

Indhowaalaba waxaa isoo gaarayay arrimo aanan maqalkooda jeclaysan oo ku saabsan Puntland. Waxaan in badan nafta ku qancin jiray in arrimahaasi aysan ahayn kuwo halkaas ka dhici kara. Qodobbo dhawr ah ayaa sal u ahaan jiray isqancintaydaas. Qodobbo runtii aan ku salaysnayn qiiro shakhsiyeed, faan indhola’ amaba burur iyo jidbo ka dhashay saarka rooxaanta.

Ugu horreyntiiba, waxaan qofna inkiri karin, dawrkii lafdhabarka ahaa ee wadaniyiintii goboladaasii, ay ka soo qaateen halgankii gobanimadoonka iyo dhalashadii qaranka Soomaaliyeed. Taas macnaheedu maahan inay soomaalida kale ka caqli badan yihiin ama ka waddanisan yihiin.

Intaan gumaysigu dalka imaan ,waxay gobollada Puntland (dhulkii udugga) lahaayeen maamullo Saldanooyin ahaa: dhul,dad,ciidammo, nidaam, xukun, calammo iyo shaabadaba. Markii gumaysigii fashiistada Talyaanigu uu saldanooyinkaas xoogga ku burburiyey (1924-25), ayay bilaabeen inay gadoodaan oo ay fallaago noqdaan, ugu dambaystiina ay hormuud ka noqdaan dhalashadii xisbigii SYL – ee waddaniyiintii soomaalidu intay ku midoobeen, xornimadii keenay.

Sooyaalka waddamada adduunka haddaan dib u jalleeco, halgamadii gumaysi-la-dirirku hadba gobol, degmo ama tuulo ayay ka bilaaban jireen, illaa dadkaas la haysto, badankood ay marka dambe isku aragti iyo mawqif ka noqon jireen iska dhicinta gumaysiga. Waddan walba waxaa ka jiri jiray kooxo ama qabiilooyin isticmaarku khaldi jiray – isagoo u tusi jiray in halgamayaashu ay rabaan inay dhulalka qabiilooyinka kale qabsadaan.

Taas markaan kasoo gudbo, waxaa jirtay in markuu bilawday soomaali-gariirkii (Somali quake) 1991kii, oo ay soomaalidu isku rafatay, in soomaaliweyn ay u qaybsantay wax dhintay, dhoofay ama dhulkii ku haray iyagoo dhakafaarsan.

Haddaba, dhibaatooyin fara badan iyo oroddo dhaadheer (Marathons) keddib, waxay Puntland ku guulaysatay inay wada fariistaan oo ay samaystaan maamul, nidaam iyo kala dambayn ay ku sii sugaan inta qaranimadii Soomaaliya ay soo noqonayso.

Arrintaas oo runtii dadkii goboladaas iyo kuwii gobollada kaleba u noqotay badbaado. Marakan Rooxaanta soomaalida noocyadeeda kala duwan baa ku nool ama ka shaqaysta Puntland.

Maanta Puntland waxay soo gaartay inay kaalin wax-ku-ool ah ka qaadato diyaarinta dastuurka federaalka iyo Roadmap(yadii) Garoowe ee I & II. Waxay u jeensatay oo ka go’an inay ka gudubto ku dhaqanka Rooxaanta (alyacni :awooweyaasha iyo ayeeyooyinka lugu abtirsado) oo ay u gudubto nidaamka xisbiyada. Waxay tusaale ku dayasho mudan u noqotay gobollada kale ee Soomaaliya.

Haddaba arrimahaas farxadda iyo qiirada soomaalinimada ku gelinaya iyo guuxa hadda kasoo yeeraya baa isu kay qaban kari waayay!!!

Puntland waxaa soo maray maamullo kala duwan. Waxaa soo maray isku dhacyo, Isfahan la’aanno iyo isu tanaasulid la’aanno ka dhalan jiray markay dadka qaarkiis rooxaantu ku kacdo! Rooxaantu markay kugu kacdo, caqliga, garaadka, xiska iyo maankuba midna ma shaqayn karo!!!

Bal dib haloo xusuusto, inta dhallinyaro iyo rag ku naf waayay waagay Jaamac Cali Jaaamac iyo Cabdulaahi Yuusuf Axmed (AUN) rooxaantoodu isa shuuftay!!! Keddib, rooxaantu waa heshiisay, iyadoo laysku qancinayo maahmaahyadii kala ahaa – “Carrab iyo ilko…….” Iyo “Dagaal waa kaddare, rag is bartaase waa door”. Cid dib isu weydiisay dhallinyaradii ku le’atay ama ku naafowday ma jirin!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Puntland waxay leedahay cadow fara badan oo aan fahansanayn sababtay cadowga u yihiin! Malaha rooxaantaa ugu wacan amaba arrimo gelaya baabul-Xasad(ka). Waxaa jira dad intay tusaale ka dhigan lahaayeen ka door bidaya inay dhabarka ka jebiyaan iyo kuwo laamaha ay ku fadhiyaan faasas ku goynaya, iyagoo is leh geedka (jiritaanka Puntland) wax yeela.

Ragga gooddinaya ma waxay yihiin kuwo aan horay muruqyadooda usoo isticmaalin oo qalle ku jiro baa? Mise waa rag kasoo horjeeda nidaamka xisbiyada iyo dimoqraadiyada oo raba inay dagaaladii rooxaanta naqtiimaan?
Wadeeca Alla, rag weligii waa is qaban jiray waana heshiin jiray, waxaase weli iga degi la’ in ficillo iyo hadallo aan mandaqaddaas laga isticmaali jirin la adeegsaday!!! Xayawaankii baa siyaasadda lasoo geliyay. Dhaqan, anshax, xishood, xeer iyo Diin baa jira. Bal muxuu dhimay dameerku oo sidaas loogu galay? Mid dushiisa “No Faroole!” ku qora, mid xabisa iyo mid sawira!!! Hadday maanta ka warheli lahaayeen qolooyinka u dooda xuquuqda xayawaanku Qardho way xujoobi lahayd.

Ruuxa maanta dameer adeegsaday, sow ma garan karo in isna doofaar loo adeegsan karo!!! Teeda kale, meeye xurmadii, sharaftii, iyo qiimayntii ay madaxda iyo xukaamtu lahaan jireen? Qardho xaal iyo raalligelin baa korkeeda ahaaday… bay aniga ila tahay.

 

Runtii hadafkaygu maahan inaan maamulka iyo mucaaradka midkoodna aan garta ama eedda siiyo. Sida wax kala yihiin iyo qaladaadka dhan walba ka jira waan u jeedaa.

Waxaan ku talinayaa oo keliya in :
· Garaadku shaqeeyo oo aan rooxaanta laysku kicin
· Dib loo xusuusto wixii soo dhacay
· La eego xaalka hadda Puntland ku sugan tahay iyo halkay higsanayso
· Maamulka iyo mucaaradku midkood tanaasulo, intii fawdo, burbur iyo dagaallo dhici lahaayeen.
Sidaas ayaa wanaagga, nabadda iyo badbaadadu ku jiraan.

Waxaan Eebbe ka baryayaa in mirqaanka iyo bururka rooxaaneed ee ragga qaarkiis sida qandhada (Fever) u haya uu Eebbe ka jebiyo xaqana tuso… Aamiin

Waxaan baaqayga kusoo gunaanadayaa oraah ingiriis ah oo aan ugu tala galay inta ku hamminaysa in Puntland burburto:
“Puntland is too big to fail”

Intaa iyo nabadgelyo

Xaashi Yaasiin C. Keenadiid
hashiyosman@hotmail.com

Switzerland – 16. December 2012

 

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA