Badhan: (pp)- Iyadoo ay Degaanada Puntland siweyn uga socdaan ololaha ay dadka ku kusoo jiidanayaan ururada Siyaasada Puntland ayaa waxaa Maalmihii u dambeeyey jirey Dadaalo ay xubnaha katirsan urur Siyaasadeedka talada Puntland haya ee Horseed ay ku kasbanayaan dadweynaha ku kala nool Gobalada kala duwan Puntland Iyagoo tiro xafiisyo ah ka furtay dhawr Gobal oo katirsan Puntland.
Gobalada Sida weyn looga dareemay dhaqdhaqaaqa urur Siyaasadeedka Horseed waxaa kamid ah Gobalka Sanaag, Ururkan ayaa Gobalkaasi ka wada dadaalo aad u tiro badan oo uu ku kasbanaayo dadka ku dhaqan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobalka Sanaag waxaana Xafiisyolaga furay degmooyin ay kamid tahay Magaalada Badhan ee Xarunta Gobalka Sanaag halkaasi oo siweyn looga dareemaayo dhaqdhaqaaqa ururo dhawr oo uu kamid yahay urur Siyaasadeedka Horseed.
Saakay ayaa waxaa gaaray Magaalada Badhan xubno kasocda Guddiga Doorashooyinka Puntland si ay usoo qiimeeyaan xafiisyada ay ururada siyaasadu ka furteen Gobalka Sanaag, Waxayna isla saakayba ay booqdeen xafiiska urur Siyaasadeedka Horseed ee Magaalada Badhan sida uu Warbaahinta Puntlandpost u sheegay Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Jaamac Ismaaciil (Ciyoon) iyagoo halkaasna kula kulmay hawl wadeenada xafiiska urur Siyaasadeedka Horseed ee Gobalka Sanaag kana dhagaystay warbixin ku saabsan hawlaha xafiiska sida ay u socoto iyo heerarka ay soo martay.
Gudoomiye Ciyoon ayaa sheegay Xubnihii soo booqday Xafiiskan inay si aada ugu bogeen sida habsamida leh ee ay u socoto hawlaha xafiiska urur Siyaasadeedka Horseed ee Magaalada Badhan oo Magaalada kaga yaala goob istaraatiiji ah, wuxuuna sidoo kale noo xaqiijiyey inay xubnahaasi booqdeen xafiisyo ay leeyihiin ururo kale oo kamid ah ururada Siyaasada Puntland.
Ciyoon ayaa tilmaamay inay Magaalada Badhan ka dhacaayeen maalmihii u dambeeyey kulamo balaaran oo lagu taageeraayo urur Siyaasadeedka Horseed waxaana siweyn iskugu baxay ayuu yiri dadweyne aad u tira badan oo taageersan ururka Horseed wuxuuna ku faanay ururka uu ka tirsan yahay inuu taageero badan ku leeyahay Gobalka uu gudoomiyaha ka yahay,
puntlandpost.com