Banderbeyla:-Guddoomiyaha Degmada Benderbeyla Saciid Aadan Cali (Ateena) ayaa waxa uu sheegey in dhibaato ba’an ay ku hayaan Badda Maraakiib Jariif ah kuwaas oo guranaya kheyraadka islamarkaasna dhibaato ku haya Kalluumeysatada iyaka oo jaraya Shabaagaha iyo waxyaalaha ay Kalluumeysiga u isticmaalaan.
Saciid, waxa uu sheegey in marba marka ka dambeysa ay ka soo badanayaan Maraakibtan oo cid kastaaba ay iminka timid badda Banderbeyla, waxa uu sheegey in Puntland iyo Caalamkaba ay ogeysiiyeen dhibaatadan balse aan wali wax laga qaban.
Arinta kaliya oo iminka u furan ayuu sheegey in ay tahay in ay la dagaalamaan oo ay iminka ku jiraan diyaargarow ay ka hortagayaan Maraakiibtan.
Sababta loo yimid Badda Banderbeyla ayuu ku sheegey in ay tahay meel dihin oo kheyraad kala duwan ka buuxo kaas oo dunida aad ugu yaraadey.
Ma aha markii ugu horeysey ee maamulka Banderbeyla ay cabasho noocaan oo kale ah ay soo gudbiyaan.
Puntlandpost.com