Dhegeyso Kala hadalkii Madaxweynaha DF ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in madaxweynahu markii uu Maraykanka tegay inuu iska fogeeyey inuusan khudbado kala duwan kala jeedin , ayna duuban yihiin khudbadihii uu ka jeediyey Baydhabo iyo Beledweyne.
Dhegeysiga Ogaal Radio
Waxaa Cajiib ah in Madaxweynuhu Afkiisa uu ka soo baxay ” Dad baa waxay qabaan Guryaheenii ayaa nalaka dhacay , baabuurteenii ayaa la qaatay, hantideenii ayaa la qaatay, waana nala barakiciyey, kuwa saas u hadlaya waxaa dhaafaya fursadaha cusub ee horyaala” waxaana hadalkaas uu qeexayaa in Madaxweynuhu taageerayo Xaqdaradii lagu sameeyey dadkii Soomaaliyeed ee lagu bililiqaysatay Guryahoodii, Hantidoodii , waana fadeexad kusoo baxaysa Madaxweynaha , haddii uu siddan khudbadiisa ku cad uu ku hadlayo.
Dhegeyso oo qiime shaqsiga Madaxweynaha kuu noqday , kuna hogaamin doona 4-ta sano ee soo socota.
Faafinta Ogaal Radio
Daabacaadda: Puntlandpost.com