BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BAYDHABO: Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Soomaaliya oo Baydhabo ka degay

February 29, 2012 4:50 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Baydhabo: (pp)- Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKMG  Somaaliya Xuseen Carab Ciise iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayey ayaa ka degay magaalada Baydhabo, iyadoo halkaas ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaankaasi.

Wasiirka gaashaandhiga DFKMG oo ka degay Baydhabo

Safarka Wasiirka ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu kuurgalayo sida ay tahay xaalada guud ee magaalada baydhabo, isagoo booqasho ku tegay Xarrumaha ciidamada Soomaalida iyo Kuwa Ethiopia ee halkaas ku sugan.

Ciidamada DFKMG oo Soomaaliya iyo Kuwa Ethiopia ee taageera ayaa asbuucii tegay gacanta ku dhigay magaalada baydhabo, iyagoo hadda qorshayna inay gacanta ku dhigaan deegaano kale oo cusub oo ay hadda gacanta ugu jira xoogaga hubaysan ee Al-shabaab.

Daabacaada: Puntlandpost.com

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA