Beledweyne: (PP)-Wafdi ka socda dowlada Jabuuti ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, wafdigaas oo uu hogaaminayey Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Jabuuti C/kariim Maxamed Kaamil.
Masuuliyiintan ayaa waxaa garaoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyey Masuuliyiinta magaalada Beledweyne iyo Saraakiil ka socday Ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne, iyagoo isii gudbiyey Xerada ay Ciidamada Jabuuti ay ka degan yihiin Magaalada Beledweyne.
Safarka Masuuliyiintaan ayaa lagu sheegay inay indho-indheynayaan Xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne & howlgalada ay ka fuliyaan Halkaasi.
Puntlandpost.com