BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOOSAASO: Wasiirka Waxbarashada puntland oo booqasho ku maraaya Gobalada Sanaag iyo Hayland

December 6, 2012 12:48 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)- Wasiirka Waxbarashada Dawlada Puntland Mr Cabdi Faarax Juuxaa ayaa maalmihii u danbeeyey booqashooyinka ku maraayey qaar kamid ah Gobalada Puntland gaar’ahaan Gobalada Nugaal,Karkaar, Sanaag iyo Haylaan, Wasiirka Waxvarashada Dawlada Puntland oo booqashadiisa kusoo bilaaabay degaano katirsan Gobalka Nugaal soona maray Magaalada Qardho iyo degmooyin kale oo katirsan Gobalka Karkaar.

Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa Gobalka Karkaar uga sii gudbay gobalka Haylaan isagoo booqasho ku tagey degmada Dhahar ee Gobalka Haylaan iyo Degmada Xingalool, Wasiirka Waxbarashada Dawlada Puntland ayaa markuu tagey degmooyinka Xingalool iyo Dhahar waxaa uu dhagax dhigay mashaariic kala gedisan oo dhanka waxbarashada ah isagoo soo eegay goobo waxbarasho oo ay wasaarada waxbarashada Puntland ka hirgelinayso degaanadaasi sida Dugsiga Sare ee Degmada XIngalool oo dhismihiisu kasocdo degmaadaasi, Wasiirka oo dadweyne fara badan kula hadlay degmada Xingalool waxaa uu sheegay inay Mudnaanta kowaad siin doonaan Gobalada Sanaag iyo Haylaan ayna ka hirgelin doonaan goobo waxbarasho iyo mashaariic kala gedisan isagoo balan qaaday inuu kor dhin doono booqashadiisa Gobalada Sanaag iyo Hayland.

Intaa kadib Wasiirka ayaa usii gudbey Gobalka Sanaag isagoo cagta mariyey degaano kala gedisan oo ay kamid yihiin Degmooyinka Badhan, Hadaaftimo, Jiingada  iyo Degmooyin kale, Wasiirka Waxbarashada oo iminka ku sugan Magaalada Badhan ee xarunta Gobalka Sanaag ayaa Saxaafada la hadlay wuxuuna ka warbixiyey wax yaabihii uu kusoo arkay degaanadii uu booqday isagoo sheegay inuu degaanadaas kusoo arkay dad siweyn ugu heelan Dawlada Puntland aadna iskugu xiran wuxuuse wasiirku sheegay inay dadku si aada ugu cabanaayeen booqashada hay’adaha dawlada oo ku yar degaanadaasi, Isagoo tilmaamay inuu dhawaan arintaas horgayn doono Golaha Wasiirada si loo kordhiyo booqashooyinka iyo Horumarinta Gobalka.

Wasiirka ayaa sheegay inay waxbarashada Gobalku tahay Mid aad wanaagsan isagoo siweyn u amaanay Qurba joogta reer Sanaag oo uu sheegay inay door muuqda ku leeyihiin waxbarashada kala gedisan ee Gobalada Sanaag iyo Haylaan, Wuxuuna balan qaaday inay wasaaradiisu mudnaanta kowaaad siin doonto waxbarashada Gobalada Sanaag iyo Haylaan isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay soo dhawayntii diiranayd ee uu kula kulmay dadka degaanadaasi ku dhaqan.

Wasiirka Waxbarashada Dawlada Puntland ayaa sheegay inay sidoo kale dadku cabasho ka muujinayaan dhanka ciidamada amaanka, Caafiimadka iyo Biyaha wuxuuna balan qaaday inuu arintaas u gudbin doono Golaha Wasiirada Dawlada Puntland si ay arintan wax uga qabtaan, wuxuuna tilmaamay inay dawladu si buuxda ugu soo jeesan doonto Horumarka Gobalada Sanaag iyo Haylaan maadama ay noo yihiin ayuu yiri degaano muhiim ah.

Booqashada Wasiirka Waxbarashada Dawlada Puntland ayaa waxaa siweyn ugu riyaaqay bulshada Gobalada Sanaag iyo Haylaan oo ku tilmaamay booqasho loo baahnaa iyagoo hay’adaha kale ee Dawlada ugu baaqay inaysan ka seexan Horumarka Gobalada Sanaag iyo Haylaan maadama dadkaasi yihiin reer Puntland.

Puntlandpost, Boosaaso, Pl

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA