Boosaaso:-Ciidanka Puntland ayaa heegan buuxda la gashey kadib markii shaley dagaal sababey dhimasho iyo dhaawac uu dhexmarey Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad Al-shabaab ah, waxaana dagaalkaasi ku dhintey in ka badan 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland kadib markii Miino loo dhigey ay ku qaraxdey, waxaa kaloo dagaalkaasi ku dhintey sida la sheegey 7 nin oo ka tirsan Ciidanka Al-shabaab.
Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland ayaa waxa uu sheegey in Ciidanka Puntland la gashey heegan aad u sareeya kaas oo ku aadan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku sugan buuraleyda Galgala.
Wasiirku, waxa uu sheegey in ay baacsanayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana uu sheegey in ay doonayaan in ay dagaal xoogan ku qaadan Maleeshiyaadkaasi.
Puntland, ayaa horey u sheegtey in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku soo qulqulayaan Puntland iyaka oo doonaya in Buuraleyda Golis in ay Saldhigyo ka sameystaan kadib markii looga itaal roonaadey Koonfurta dalka.
Puntlandpost.com