BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Cudurka Duumada oo fara kulul ku haya gobalka Bari.

February 18, 2013 4:19 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Boosaaso: (pp)- Cudurka Duumaada ama Maleriyada ayaa waayadii u dambaysay fara kulul ku hayey degaano katirsan Gobalka Bari gaar’ahaan Magaalada Boosaaso, tan iyo dhamaadkii Bishii December 2012 oo ay Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland si rasmi ah ugu dhawaaqday in cudurka duumadu uu ka dilaacay Degaano hoostaga Gobalka Bari oo ay ugu horayso Xarunta Gobalka Ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa sii kordhaayey dadka uu sida joogtada ah usoo ridanaayo cudurkani.

Isbitaalka Boosaaso oo  ay dad ugu geeriyoodeen Cudurka Duumada, Kuwo kalana ay la jiifaan.

Isbitaalka Boosaaso oo ay dad ugu geeriyoodeen Cudurka Duumada, Kuwo kalana ay la jiifaan.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalka Bari  Saciid Maxamed Waraabe oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inuu cudurkani fara kulul ku hayo Magaalada Boosaaso ayna maalmihii u dambeeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso ugu geeriyoodeen dad gaaraaya 8-qof, Isuduwaha ayaa sheegay in Labadii Bilood ee ugu dambaysay uu cudurkani soo ritey dad kor u dhaafaaya 2,000 oo qof

Isu dawaha W/Caafimaadka Gobalka Bari oo ka hadlay cudurka duumada,

Isu dawaha W/Caafimaadka Gobalka Bari oo ka hadlay cudurka duumada,

Isuduwaha ayaa sheegay in heegan la geliyey xarumaha caafimaadka ee Magaalada Boosaaso iyo Guud ahaan Gobalka Bari wuxuuna sheegay inay goobahaas dhigeen wax yaabaha lagu baaro cudurkan iyo weliba daawooyinka ay u baahan yihiin dadka uu cudurkani hayo, Isagoo dadka cudurkan iskaga Shakiya ugu baaqay inay si dhaqso ah u gaaraan xarumaha caafimaadka inta uusan cudurku soo ridan.

Saciid Maxamed Waraabe ayaa tilmaamay inay dadka cudurkan qaba ay u qaybiyaan Labo qaybood oo kala kuwa uu cudurku soo rito oo loo Gudbiyo Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso halka kuwa dhaqaaqayaa lasiiyo dawooyin dabar goyn ah, wuxuuna sheegay inay sameeyeen 12-kooxood oo ku wareega xaafadaha Magaalada Boosaaso si ay u ogaadaan dadka xanuunkan la idaran.

Tan iyo Markii lagu dhawaaqay in cudurkani uu ka dilcaay Gobalka Bari ayey Wasaaradda Caafimaadka Puntland wadey dadaal xoogan oo ay ku xakamaynayso fidida cudurkan, Waxaana Xaafadaha Magaalada Boosaaso iyo Degmooyinka Gobalka Bari loo kala diray kooxo baaritaano ku sameeya dadka qaba cudurkan si looga daaweeyo sidoo kale waxaa heegan la geliyey xarumaha caafimaadka si ay xili walba u qaabilaan dadka xanuunkani uu soo ritey iyo waliba kuwa weli la dhaqdhaqaaya.

 

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA