BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Dowlada Puntland oo sheegtay inay soo afjarayaan Alshabaabka Buuraha Galgala

December 8, 2012 11:37 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)- Dawlada Puntland ayaa sheegtay  inay wiiqayso haraaga kooxda Al-shabaab ee ku dhamaalaysata buuraha Galgala ee Gobalka Bari. La taliyaha Madaxweynaha Puntland ee dhanka amaanka Axmed Doonyaale ayaa saxaafada  u sheegay in  awood badan aysan ku harin  Al-shabaabta buuraha Galgala,  isagoo sheegay inay soo qaadaan mararka qaarkood weeraro uu ku tilmaamay naf la caari isagoo tusaale usoo qaatay weerarkii kooxdaasi dhawaan ay ku soo qaaday ciidamada diifaaca kaga jira buuraha Calmadow.

La taliyaha dhanka ammaanka madaxweynaha Puntland, Axmed Doonyaale

Axmed Doonyaale ayaa wacad ku maray inay cagta marin doonaan kooxdaas ayna geli doonaan god walba oo ay kaga dhuumalaysanaayaan dhulka Puntland. Latilyaha Madaxweynaha ayaa sheegay inay kooxahani kasoo qul-qulayaan koofurta Soomaliya si ay fariisimo uga samaystaan Buuraha Galgala mase ahan ayuu yiri wax ay Puntland marnaba ogolaan doonto isagoo tilmaamay inay dhawaan ciidamadu ku dhaqaaqi doonaan hawgal kooxdaas lagaga sifaynaayo buuraha calmadow, wuxuuna u mahadceliyey dadka deegaanka oo uu sheegay inay siweyn u gacan siinayaan qaybaha kala duwan ee ciidamada Puntland oo dagaal adag kula jira kooxahaas argagixisada ah.

Doonyaale ayaa sheegay inay kooxahaani buurta kasoo galaan dhawr jiho oo kala duwan sida dhanka badda iyagoo ku gala halkaas shaqsi-shaqsi maadama deegaanadaas ay yihiin dhul buuralay kaymo ah aana lala wada socon karin dhaq-dhaqaaqyada halkaas ka taagan, Sidoo kale waxaa uu sheegay   inay jiraan Al-shabaab soo mara dhanka Maamulka Somaliland kadibna buurlaydaas usoo gudba.

Doonyaale ayaa dadweynaha Puntland ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada diifaca Puntland si dhulka Puntland looga difaaco wuxuu ugu yeeray argagixiso duulaan kusoo ah deegaanada Puntland, wuxuuna muujiyey kalsoonida buuxda ee uu ku qabo inay ciidamada Puntland ka hortagi doonaan Al-shabaabta Saldhiga ka samaystay buuralayda Galgala ee Gobalka Bari ayna ka cirib tiri doonaan deegaanadaas.

Sanadka 2010 ayey ahayd markii ay Dawlada Puntland si buuxda Duulaan ugu qaaday Al-shabaabta buuraha Galgala kadib markii ay weeraro kusoo qaaday fariisin ciidan oo ku yaala deegaanka Karin ee Gobalka Bari, Waxaana dagaalkaas lagu hubsaday inay Puntland leedahay awood ciidan oo aan la dhayalsan karin kadib markii ay mudo gaaban ku wiiqeen awoodii kooxdaas oo ay dad badan oo reer Puntland ah ka cabsi qabeen inay la wareegaan Magaalada Dekada ah ee Boosaaso walow ay halkaas ku hareen qaar katirsan kooxdaas ku xiran Al-shabaab oo intii ka danbaysay markii ay mudo joogaanba soo qaadaayey weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA