BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Dr Hoolif oo maanta ku geeriyoodey Magaalada Boosaaso.

February 21, 2013 12:48 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Boosaaso: (pp)- Allaha u Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Boosaaso ku geeriyoodey Dr Axmed Bashiir C/llaahi (Hoolif) oo kamid ahaa Dhakhaatiirta ka hawlgasha Degaanada Puntland si aadana looga yaqaanay Guud ahaan Dalka Soomaaliya gaar’ahaan Puntland, Dakhtarka oo maalmahanba xanuusanaayey ayaa maanta ku nafbaxay Magaalada Boosaaso.

bos

Dr Hoolif ayaa ahaa Dhakhtar ku taqasusay xanuunada Haweenka iyo Caruurta, Wuxuuna ka hawlgali jirey xarun caafimaad oo ku taala Magaalada Boosaaso iyo weliba Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso, Dhakhtarka ayaa horay uga soo shaqeeyey qaar kamid ah Gobalada Kale ee Dalka Soomaaliya iyo weliba Dalal kale Sida Suudaan,Yemen,Emaaraatka iyo Sacuudiga.

Dr Hoolif ayaa u geeriyoodey xanuun ka asiibay sambabada sida ay noo xaqiijyeen qaar kamid ah ehelkiisa  wuxuuna u jiifay tobaadyadii u dambeeyey, Isagoo ugu dambayna maanta u geeriyoodey.

Allaha u naxariistee Dr Holif ayaa geeridiisa waxaa ka tacsiyeeyey Wax garadka Magaalada Boosaaso,Bahda Caafimaadka iyo weliba dadweyne kale oo aad tira badan waxayna alle uga baryeen inuu u naxariisto.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA