Bosaaso oo looga diyaar garoobaayo dhagax dhiga wajiga 2-aad ee Gagida diyaaradaha

Bosaaso(Puntland Post)-Magaalada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland waxaa looga diyaar garoobayaa soo dhawaynta wafuud balaaran oo ka qayb geli doonta dhagax dhiga gagida diyaaradaha Caalamiga ah ee Bosaaso oo dhawaan wajigiisa 1-aad xariga laga jaray.

Gagida diyaaradaha Caalamiga ah ee Bosaaso
Gagida diyaaradaha Caalamiga ah ee Bosaaso

Dawlada Talyaaniga ayaa mar kale bixin doonta dhaqaalaha lagu dhamays tiraayo Garoonkan oo lagu wado in la gaarsiiyo mid heer Caalami ah, waxaana lagu darayaa Garoonka 1-km oo ah dhabaha ay diyaaraduhu ku cararaan, iyo Guriga adeega Garoonka ee loo yaqaan Terminal oo loo dhisi doono hab casri.

Warka ay helayso Puntland Post ayaa sheegaaya in dhagax dhiga Garoonka ay ka qayb geli donaan Madaxda ugu saraysa Dawlada Puntland, Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, iyo Wafuud kasocota Dawlada Talyaaniga iyo Beesha Caalamka.

Dadka reer Puntland ayaa Guul iyo Horumar weyn ku tilmaamay dhamays tirka Garoonka oo ay mudo dheer baahi u qabeen, waxaana muuqata Puntland inay samaynayso Horumar dhanka kabaayasha dhaqaalaha ah iyadoo meel wanaagsan uu maraayo Garoonka Diyaaradaha Garowe, lana filaayo inuu soo gabagaboobo dabaayaqada sanadkan.

Puntland Post