BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Ganacsade reer Boosaaso oo ka mid ahaa Ganacsatada ugu waawayn shirkada Red Sea oo Saaka Boosaaso lugu diley.

June 20, 2011 12:04 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)- Alla ha u Naxariistee waxaa saaka lugu diley guddaha Magaalada Boosaaso ee Xarrunta dhaqaalaha Puntland, Ganacsade wayn oo aad looga yaqaanay Guud ahaan Gobolkan Bari, isagoo ganacsadahani uu ahaa gaar ganacsade saamiga sare ku lahaa Shirkada Qalabka dhismaha iyo guryaha ee RED SEA.

ganacsade lagu dilay Boosaaso

Ganacsadahan oo lugu Magcaabijirey Allaha u naxariistee  Cumar ayaa la sheegay in lugu diley guddaha Bakhaarkiisa ee Magaalada Boosaaso isagoo ku howljiray Howlihii shaqo,  xilli aan si fiican looga soo wada kicin guddaha
Magaalada Boosaaso.

Dilalka Nabadoonada iyo Ganacsadayaasha waawayn ayaa mudooyinkii danbe ku soo badanayey magaalada Boosaaso, iyadoo magaaladu ay xasiloonayd asbuucyadii ugu danbeeyey.

Dilkaan ayaa waxaa aad uga naxay dadka ku nool magaalada Boosaaso, waxaana illaa hadda aan la garan karin dadka sida tooska uga danbeeya dilalka qorhaysan, marka laga reebo shaki laga qabo inay arrimahani lug ku leeyihiin aano qabiil iyo kooxo taageersan kooxo diimeedka ka jira koonfurta dalka soomaaliya

Maxamed Axmed Ciise
Boosaaso/Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA