BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Garoonka Boosaaso oo Run-way la dhigayo ( Update-Warbixin & Sawiro kale).

December 10, 2012 8:44 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)- Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay run-way cusub oo laami ah oo laga samayn doono gaaroonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee Bandarqaasim International Airport.

Munaasabad lagaga dhawaaqay inuu si rami ah u bilowday dhismaha garoonka Boosaaso ayaa ka dhacday gudaha Mudaarka ay diyaaraduhu ka haadaan ee Magaalada Boosaaso, Kulankaan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta ugu saraysa Dawlada Puntland, Ganacsato, Duqay dhaqan, Haween iyo weliba Masuuliyiin ka socotey Dawlada Talyaaniga oo fulinaysa Mashruucan oo ku kacaaya 5-Milyan oo doolar.

Madaxweynaha Dawlada Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo halkaasi ka jeediyey hadal xambaarsanaa mar-xaladihii uu soo maray garoonka Boosaaso iyo Shaqada hada laga bilaabi doono wuxuuna Madaxweynuhu sheegay inay Garoonka dhismihiisa ay soo bilowday Dawladii ka horaysay iyaguna ay shaqo balaaran ka qabteen intii ay xafiiska joogeen, Madaxweynaha ayaa intaa kadib si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu bilowday dhismaha wadada laamiga ah ee loo yaqaan Run-way oo laga dhisaayo garoonka Boosaaso.

Daawo Sawiro badan

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Faroole ayaa sheegay inay garoonkan ku baxayso lacag gaaraysa 5-milyan oo doolar isagoo ganacsatada iyo dadka Puntland ee wax haysta ku baraarujiyey inay ka qayb qaataan dhismaha Garoonka caalamiga ah ee Magaalada Boosaaso, si loo helo garoon dhan walba ka dhamays tiran.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay  Mr Gossipy oo ka socdey Dawlada Talyaaniga oo fulinaysa Mashruucan ayaa sheegay inay Dawladiisu dhamays tirayso Garoonkan,  wuxuuse codsaday inay dadka reer Boosaaso iyo Guud ahaan kuwa Puntland ay gacansiiyaan si ay u dhamays tiraan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Masuuliyiin Iskugu Jiray Wasiiro,Ganacsato, Odayaal iyo Dhalinyaro ayaa iyagu halkaasi ka hadlay waxayna si isku mid ah u muujiyeen ahmiyada uu garoonkani u leeyahay dadka reer Puntland guud ahaantood waxay soo dhaweeyeen Dhismaha Garoonka Boosaaso.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ayaa ah mid ka guxaya Uurka dadka ku dhaqan Puntland gaar’ahaan Gobalka Bari waxaana la maqlaa mar kasta oo ay Madaxda Dawladu timaado gobalka inay su’aasha 1-aad ee la waydiiyo ay tahay dhismahan Garoonkan, Waxaana marqaati madoonta ah inay Dawlada Puntland fulisay wax ay mudo dheer ku taamaayeen Dadka Puntland waana qodob ay Dawladu ku kasban doonto taageerada dadka Puntland gaar’ahaan Gobalka Bari.

Dhismaha Garoonka  haddii la hirgeliyo ayaa dadka puntland  ka saari doona baahida ay u qabaan Garoon wanaagsan oo ay kasoo degi karaan diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya.

Mukhtaar Cabdi Faarax
puntlandpost,Boosaaso,PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA