BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO : Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso oo laga dhigayo Runway

December 10, 2012 6:11 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Boosaaso:-M-weynaha Puntland oo ay weheshaan Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo hay’adda UNPOS ayaa maanta booqdey garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso Bandarqaasim, M-weynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa uu sheegey in loo hayo garoonka diyaaradaha lacag dhan 3,60000 Euro waxaana uu sheegey in lacagtan ay ku deeqdey Dawladda Talyaaniga loona soo marsiiyay UNPOS.

M-weynuhu, waxa uu sheegey in uu rajeynayo in ay ku filnaato ama dhadhaweyso in  Laami (Runway) laga dhigo garoonka, waxa uu sheegey in loo baahan yahay in ganacsatadu ay bixiyaan inta dhimman lacagta, haddii kale Dumarka iyo reer Miyiga ay soo uruurin doonaan.

Sargaal u hadley UNPOS, ayaa waxa uu sheegey in ay diyaar tahay lacagtii lagu dhisi lahaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayna dhawaan bilaabi doonaan.

M-weynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhawaan sheegey in ay dhisayaan garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo ay lacag u hayaan, waxaa kaloo uu sheegey in ay dhisayaan garoomada diyaaradaha ee Garoowe iyo Gaalkacyo.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA