BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Kulan looga dooday Miisaniyada sanadka 2013 oo ay yeesheen Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Puntland (Sawiro)

December 3, 2012 9:16 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)-  Kulan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta wasaarada Maaliyada Dawlada Puntland gaar’ahaan kuwooda ku taxaluqa arimaha dakhliga iyo Miisaaniyada ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Ee Magaalada Boosaaso Waxaana Kamid ahaa Masuuliyiinta kulakan kasoo qayba galay:-

1. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Faarax Cali Jaamac
2. Agaasimaha Guud ee Maamulka W/M C/risaaq Maxamed Xasan
3.Agaasimaha Guud ee Dakhliga W/M Cismaan Buux Cali
4.Xisaabiyaha Guud ee DPL C/risaaq Xasan Muuse
5. Xisb-Ku-xigeenka DPL Xasan Cali Samatar
6. Agaasimaha W/Furdooyinka Jaamac Axmed Faarax
7.Agaasimaha Canshuuraha Beriga Bashiir Khaliif
8.Agaasimaha W/Miisaaniyada Cumar iyo Weliba Masuuliyiin kale oo ay kamid ahaayeen khuburo dhanka miisaaniyada ah.

Miisaaniyada Puntland 2013 oo laga doodayo

Kulankan ayaa looga dooday Miisaaniyada Dawlada Puntland ee Sanadka 2013, waxaana laysla eegay wax yaabaha kor u kaca u keenay miisaniyadii sanadkii hore iyo weliba wax yaabaha hoos u dhaca keenay hadii hoos u dhac ama kor u kac jirey, iyo Sida ugu haboon ee loo dejin karo miisaaniyada sanadka 2013 oo la rajaynaayo in dhawaan la hor geeyo Baarlamaan Dawlada Puntland si ay u meel mariyaan ama u diidaan.

Daawo Sawiro kale

Kulamada Noocan ah ee looga doodayo miisaaniyada Dawlada ee sanadka fooda inaku soo haya ayaa la rajaynayaa inay siisocon doonaan inta Puntland looga dejinaayo ku tagal miisaniyadeed oo rasmi ah lana hor geeyo Baarlamaan Dawlada Puntland.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dawlada Puntland Mr Faarax Cali Jaamac ayaa ka dhagaystay masuuliyiintii kulankaas fadhiyey talooyin ay kasoo jeediyeen sida ugu haboon ee loo dejin karo miisaaniyada 2013,  si loo helo ku tagal miisaaniyadeed oo dhab ah oo ay Dawlada Puntland ku shaqayso sanadka soo socda ee 2013, Waxaa sidoo kale laysla eegay wax yaabaha kor u qaadi kara dakhliga soo gala Puntland iyadoo laga fogaanaayo wax kasta oo culays canshuureed bulshda u keeni Kara, si ay dekadaha Puntland u noqdaan goobo la tartama dekadaha kale , isla markaana uu kor ugu kaco dhaqaalaha Puntland.

Mukhtaar Cabdi Faarax
Puntlandpost, Boosaaso, Soomaaliya

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA