BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Kulan looga hadlaayey adkaynta nabad galyada Puntland oo ka dhacay Magaalada Boosaaso(Sawiro).

December 30, 2012 1:15 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)-  Kulan aad u balaaran oo ay kasoo qayb galeen Wasiiro, Maamulada Gobalka iyo Degmada, Guddoomiyayaasha xaafadaha Boosaaso, Wax Garad Boosaaso iyo wax garad kala gedisay ayaa maanta ka dhacay Hoolka Dawlada Hoose ee Magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha gobolka Bari, C/smad Gallan

Guddoomiyaha gobolka Bari, C/smad Gallan

Waxaa halkaasi hadal ka jeediyey Masuuliyiin uu kamid ahaa Gudoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan wuxuuna bulshada ku booriyey sidii ay nabada uga wada shaqayn lahaayeen, Wuxuuna guddoomiyuhu shacabka ka codsaday inay muujiyaan feejignaan iskana ilaaliyaan in lagu soo dhex dhuunto, Guddoomiyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay amaanka uga qayb qaataan.

wasiirka ammniga Puntland,Gen.  Khaliif Ciise Mudan

wasiirka ammniga Puntland,Gen. Khaliif Ciise Mudan

Wasiirka Amniga Dawlada Puntland ayaa isaguna halkaasi ka hadlay wuxuuna dadweynaha Puntland gaar’ahaan kuwa Gobalka Bari ku gubaadiyey sida aadka u wanaagsan ee ay amaanka uga qayb qaataan una gacansiiyaan laamaa kala gedisan ee nabad galyada, Wasiirka ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inaan lagu soo dhex dhuuman wuxuuna shacabka ka codsaday inay soo wargeliyaan ciidamada amaanka markii ay dareemaan khataro dhanka amaanka ah waana ballan inay ciidamada amaanku markaba gaarayaan meel kasta oo taleefoon looga soo diro ayuu yiri khaliif ciise mudan.

Waxgaradka Kullanka kasoo qayb galay

Waxgaradka Kullanka kasoo qayb galay

Dhanka kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday dad maalmihii u danbeeyey sheegaayey in wakhtigu ka dhamaanaayo xukuumada haatan talada haysa wuxuuna dadkaas ku tilmaamay shaqsiyaad aan micno badan ku fadhiyin isagoo uga digey inay qaadaan talaabo kasta oo wax yar u dhimi karta nabad galyada Puntland.

Waxgaradka Kullanka ka hadlay

Waxgaradka Kullanka ka hadlay

Isku soo wada duubo dhamaan dadkii kulankaas ka hadlay ayaa isku raacay in ahmiyad weyn lasiiyo nabad galyada, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo khal-khal gelinaysa nabad galyada Puntland.

Mukhtaar Cabdi Faarax

Puntlandpost, Boosaaso, PL

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA