BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Kulan looga hadlaayey Nabad galyada Puntland oo lagu soo gabagabeeyey Magaalada Boosaaso(Sawiro).

January 2, 2013 11:56 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)-  Kulan ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobalka Bari iyo Hay’adda DRC oo mudo labo maalmood ah ka socdey Magaalada Boosaaso ayna kasoo qayb galeen Nabadoonada Gobalka Bari iyo Dadweynaha Magaalada Boosaaso ayaa maanta lagu
soo gabagabeeyey Gudaha Magaalada Boosaaso waxaana soo xiritaankii kulankaas kasoo qayb galay masuuliyiin katirsan Dawlada Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Amniga,Wasiir ku-xigeenka arimaha Gudaha iyo  Gudoomiyaha Gobalka Bari.

MudanWasiirka Wasaarada Amniga Dawlada Puntland Generaal.Khaliif Ciise Mudan oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyey ahmiyada uu amaanku u leeyahay umadda, Wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay kawada Shaqeeyaan nabad galyada wuxuuna wasiirku sheegay in kooxdii Al-shabaab ee lagu soo jabiyey koonfurta ay usoo jabeen dhulka Puntland wuxuuna dadweynaha ka codsaday inay muujiyaan feejignaan, Khaliif Ciise Mudan ayaa wacad ku maray inay dagaal adag lageli doonaan Al-shabaabta doonaysa inay wax u dhinto amaanka Puntland iyo cid kasta oo diidan horay u socodka Puntland, mana ogolaan doono in argagixisadu ay saldhig ka dhigato buuraha calmadaw ee dhulka Puntland ayuu yiri khaliif ciise mudan.

Wasiirka Amniga oo ka hadlaayey arimaha Dimuqraadiyeynta waxaa uu sheegay inay Puntland u gudubtay hanaanka Xisbiyada ayna dalka ka hirgeliyeen xisbiyo siyaasadeed isagoo qaswadayaal aan umadda dan u hayn ku tilmaamay kuwa sheeganaya mucaaradka ee kasoo horjeeda nidaamkan isagoo tilmaamay inaysan marnaba ka yeeli doonin inay is hortaagaan nidaamkan waana ka qabanaynaa qaswadayaashaas umadda hadii ay isku dayaan inay kha-khal geliyaan nabad galyada Puntland ayuu yiri wasiirka amingu,

nabadoon dhegcasDhanka Nabadoonada Waaxaa halkaasi ka hadlay nabadoono dhawr ah oo uu kamid ahaa Dhegcas wuxuuna sheegay inuu amaanku yahay wax ahmiyad weyn u leh umadd kasta iyo Noole kasta wuxuuna dadweynaha Puntland ka codsaday inay kawada Shaqeeyaan Nabad galyada Dalka meelna looga soo wada jeesto wax kasta oo khatar ku ah nabad galyada.

XooshWaxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Masuuliyin ay kamid ahaayeen wasiir ku-xigeenka arimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Gudoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan waxayna hoosta ka xariiqeen in nabada Puntland ay tahay lama taabtaan aysana cidna ka yeelayn inay wax u dhinto amaanka ay ku naaloonayaan umadda reer Puntland.

Guddoomiyaha G. Bari, Gallan

Guddoomiyaha G. Bari, Gallan

Mukhtaar Cabdi Faarax

Puntlandpost, Boosaaso, PL

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA