BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO : M-weynaha Puntland Dr. Faroole oo Xariga ka jarey Xabsi Cusub

December 4, 2012 10:37 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Boosaaso:-M-weynaha Puntland oo safarshaqo ku jooga Boosaaso ayaa xariga ka jarey Xabsi Cusub kaas oo si wanaagsan loo dhisey, waxaana uu sheegey in Xabsigan uu yahay mid waxbadan ka badalaya nolosha iyo habka loo hayo Maxaabiista oo ay Maxaabiistu ay ku nafisayaan.

M-weynuhu, waxa uu sheegey in Xabsigan qeyb kale ay dhiman tahay oo la ballaarin doono si dhakhso ah haddii Eebe idmo, waxaana uu sheegey Maxaabiis badan oo Burcad-badeed Puntland la keeni doono.

Waxa uu mahad ballaaran u jeediyay Ciidanka Asluubta, gaar ahaan waxa uu si gaar ah uu amamaney Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Col. Cali Nuur Cumar, waxaana uu sheegey in uu dabagal ku sameeayy in Xabsiyada sidii la rabey loo dhisey islamarkaasna ay Ummadda ka hayaan dad dambiiilayaal ah oo la xukumey.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA