Boosaaso: (pp)- Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa maantay booqday Dekadda Weyn ee Magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah wasaaradaha Dawlada ee ku yaal Magaalada Boosaaso ee xarrunta dhaqaalaha Puntland.
Madaxweynaha ayaa ugu horayn kormeeray Dekadda Weyn ee Magaalada Boosaaso, isagoo ku weereegay dekadda soona arkay qoditaan dhawaan lagu sameeyey guddaha dekadda lagagana saaray qashinkii ku jiray Guddaha Dekadda iyo weliba halka lagu ballaarin doono dekadda Magaalada Boosaaso.
Intaa kaddib Madaxweynaha ayaa booqday Wasaaradaha Arrimaha Guddaha, Ganacsiga iyo Maaliyadda, wuxuuna Madaxweynuhu indha indhayn ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Wasaaradahaasi oo qaarkood dhawaan ay dhistay Dawlada Puntland sida Wasaaradaha Ganacsiga iyo Arimaha Guddaha oo ah dhismayaal aad u bilicsan.
Intaa Kadib Madaxweyne Dr C/raxmaan Faroole oo ay booqashadiisa ku weheliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Saraakiil Sar Sare oo katirsan Dawlada Puntland ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu maanta soo booqdo Goobahan Muhiimka ee ku yaala Magaalada Boosaaso, Madaxweynaha ayaa sheegay inuu soo arkay halkii lagu ballaarin lahaa dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso iyo Iyagoo qiimayn iyo is tuusalayn ku sameeyey sida ugu haboon ee loo kala saari karo Dekadda Magaalada Boosaaso iyo Suuqa ugu weyn ee kalluunka Magaalada Boosaaso oo ku yaala cirifka dekadda Magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay booqan doonaan inta ay ku sugan yihiin Magaalada Boosaaso Goobaha Muhiimka ah ee k u yaala Magaalada iyo weliba Mashaariicda ka socda iyo kuwa laga hirgaliyey Magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha oo maalmahanba booqanaayey Gobalada Bari iyo Karkaar Xarigana Ceel biyo Celin ah oo laga hirgeliyey Degmada waaciye iyo Xarrumo kale oo mshaariic ah oo laga hirgeliyey magaalada Qardho oo iyadana uu Xariga la jaray , waxaana la sheegayaa in Maalmaha soo socda Wafdiga madaxweynaha ay soo Indho-indheynayaan goobo kale oo mashaariic ka socdaan oo ku yaal guddaha magaalada boosaaso.
Mukhtaar Cabdi Faarax
Puntlandpost, Boosaaso, PL