BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Madaxweynaha Dawlada Puntland oo booqday Jaamacadaha Magaalada Boosaaso(Sawiro).

December 27, 2012 9:30 pm GMT - Written by PP - Edited by PP
Print Print

Boosaaso: (pp)-   Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ay weheliyaan qaar kamid ah wasiiradiisa ayaa maanta booqasho ku tagey labo jaamacadood oo ku yaala Magaalada Boosaaso kuwaas oo kala ahaa jaamacadaha bariga afrika iyo Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland oo Booqday Labo Jaamacadood

Madaxweynaha Puntland oo Booqday Labo Jaamacadood

Madaxweynaha ayaa ardayda iyo Maamulada Jaamacadahaas u jeediyey hadal dhinicyo kala gedisan taabanaya wuxuuna ardayda wax ka barata Jaamacadahan ku booriyey inay ka faaidaystaan wakhtigooda kuna dadaalaan aqoonta iyo waxbarashada una dhabar adaygaan waxbarashadooda daruuf walba oo jirta isagoo uga sheekeeyey heerka ay kala joogaan qofka aqoonta leh iyo kan jaahilka ah.

IMG_1426Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa ardayda ku booriyey inay bartaan qaanuunka wadanka si ay u ogaadaan waxa ay xaqa u leeyihiin iyo waxa xaqa loogu leeyahay, Isagoo uga waramay nidaamka xisbiyada badan ee ay Dawladiisu ka hirgelisay dalka,  wuxuuna tilmaamay inuu hanaankani muhiimada koowaad siin doono dhalinyarada aqoonta leh ee kasoo baxaaya jaamacadaha kala duwan isagoo dhalinta ugu baaqay inay door muhiim ah ka qaataan hanaankan si ay u helaan fursad aysan horay u haysan.

IMG_1407_1Maamulada Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Muqdisho ayaa iyaguna Madaxweynaha faafaahin kasiiyey waxbarashada ka socota jaamacadahan iyo Baahiyaha ay ka doonayaan inay ka caawiso Dawlada Puntland iyagoo siweyn uga mahadnaqay Madaxweynaha Booqashada uu ugu yimi.

IMG_1399Farxad aan la qiyaasi karin ayaa laga dheehan karey wajiyada ardaydii uu Madaxweynuhu booqday iyagoo Madaxweynaha uga Mahadnaqay inuu soo booqdo si uu u arko daruufaha ay wax ku baranayaan.

Sawiro kale

IMG_1345_1 IMG_1335_1 IMG_1329 IMG_1317 IMG_1279 IMG_1256 IMG_1225 IMG_1216 IMG_1152 IMG_1080 IMG_1046 IMG_1008

Mukhtaar Cabdi Faarax

Puntlandpost, Boosaaso, PL

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA