BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Madaxweynaha Dawlada Puntland oo la kulmay Dhalinyarada Gobalka Bari(Sawiro).

January 12, 2013 9:06 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)-  Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso Dhalinyarada Gobalka Bari, Madaxweynaha oo ay kulanka ku weheliyeen qaar
kamid ah wasiiradiisa oo ay kamid ahaayeen wasiirada amniga iyo Maaliyada iyo weliba Garaad C/llaahi Cali Ciid oo kamid ah isimada ugu magaca dheer deegaanada Puntland, Madaxweynaha iyo Dhalinyarada ayaa isla jeex-jeexay arimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen Amaanka,Horumarka Dalka iyo weliba Horumarka Dhalinyarada,

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay dhalinta gobolka Bari

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay dhalinta gobolka Bari

Dhalinyarada Gobalka Bari ayaa Madaxweynaha usoo bandhigay daruufo kala gedisan oo ku xeeran dhalinyarada waxayna Madaxweynaha ka codsadeen in dhalinyarada loo sameeyo shaqo abuur, Lagana talo galiyo siyaasada Dalka,Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobalka Bari Mustafe C/raxmaan Majacase ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu ka taageeri Horumaro kala gedisan oo ay dhalinyaradu ku hawlan tahay sida Dhismaha Garoonka kubada cagta ee Boosaaso,Dhismaha Xarun ay dhalinyaradu ku kalanto iyo weliba mahsaariic kale, Dhank kale Dhaliyarada ayaa Madaxweynaha u balan qaaday inay si buuxda u taageeri doonaan hanaanka xisbiyada badan ayna siweyn uga shaqayn doonaan nabad galyada Puntland.

DSC08986Madaxweynaha ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay ka qayb qaataan Horumarka Dalka iyo weliba Amaanka maadama ay yihiin Mustaqbalkii Dalka wuxuuna madaxweynuhu dhaliyarada u sheegay inay taageeraan hanaanka xisbiyada badan maadama uu hanaankaasi yahay kan kaliya ee ay dhalinyaradu iskaga dhex arki karaan Horumarkooda, Madaxweynaha ayaa balan qaaday inay fulin doonaan codsiga ay dhalinyaradu usoo gudbiyeen, Madaxweynuhu waxaa uu sheegay inay Talada Dalka gacanta u galin doonaan Dhalinyarada reer Puntland

DSC08985Wasiirka Amniga Dawlada Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa isaguna dhalinyarada ka codsaday inay kala shaqeeyaan Amaanka ayna soo sheegaan danbiilayaasha maadama kuwa amaankooda la sugaayo ay ugu muhiimsan yihiin Dhalinyarada, Wuxuuna Wasiirku sheegay inuu amaanku dan yahay Qof kasta uuna muhiimad gaar ah usii leeyahay Dhalinyarada Maadama aysan waxbarasho iyo kulan dhalinyaro toona aysan jirayn hadii nabad la waayo.

DSC08978Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa maalmihii u danbeeyey qaabilaayey qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobalka Bari si uu ugu kuur galo baahiyaha qaybaha bulshada wuxuuna Madaxweynuhu dadka uu qaabilay ku dhiiri galinaayey inay ka shaqeeyaan Amaanka ayna taageeraan hanaanka Xisbiyada badan oo dhawaan ka hana qaaday Puntland.

DSC08976DSC08971DSC08963

Puntlandpost, Boosaaso, PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA