BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Madaxweynaha Puntland oo Jabuuti u diray Tacsida Marxuum Jamac Maxamud Xayd

January 12, 2013 8:26 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Innalillahi wa innaa Illayhi raajicuun.

Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Shacabka Reer Puntland iyo Dowladda Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamud Xayd oo aan uga tacsiyeynayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Jamac Maxamud Xayd, Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey Geeridii Xeyd

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey Geeridii Xayd

Waxaan Ilaahay uga baryaya inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, Qoyskiisii, ehelladiisii, asxaabtiisii, iyo dhammaan Shacabka iyo Dowladda Jabuutina ka siiyo Samir iyo Iimaan.

Aamiin

Madaxweynaha Dowladda Puntland

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA