BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay kulan lagu soo xiraayey olole lagu daaweynaayey Gabdhaha isku furma xiliga dhalmada(Sawiro).

December 30, 2012 12:43 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)- Kulan lagu soo xiraayey olole ka socdey Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso oo lagu dawaynaayey Gabdhaha xaga dambe iskaga furma xiliga dhalmada ayaa maanta ka dhacay Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso, Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay dad iskugu jiray Madaxda Ugu saraysa Puntland,Haween,Dhalinyaro, Dhakhaatiir iyo Hay’adaha Barnaamikan gacanta ka gaysanaayey.

Dr. Obsiiye oo ka hadlay howlaha la fuliyey

Dr. Obsiiye oo ka hadlay howlaha la fuliyey

Barnaamijkan ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyey Dr Obsiiye oo ka socdey Hay’adda UNFPA oo Wasaarada Caafimaadka ee Puntland ka gacansiinaysay Barnaamijkan lagu Daawaynaayey gabdhaha isku furma xiliga ay dhalayaan, Dr Obsiiye ayaa sheegay inay Hay’ada UNFPA wasaarada ka gacansiisay Ololahan lagu dawaynaayey gabdhaha isku furma ee ka socdey Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso waxaana uu sheegay inay Daweeyeen Gabdho gaaraaya 38-gabdhood dhamaantood waxaa lagu guulaystay qaliimadoodii ayuu yiri Dr Obsiiyo wuxuuna sheegay inay qaliinadan fuliyeen Dhakhaatiir Shisheeye oo ka socotey Hay’adda Waha, Ditoorka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan ololahan ayna ka fulin doonaan Magaalooyin kale oo ku yaala Puntland sida Garoowe iyo Gaalkacayo, Sidoo kale Dr Obsiiye ayaa soo bandhigay barnaamijyada wax qabad ee ay Hay’ada UNFPA Ka wado Puntland iyo Kuwa u qorshaysan inay ka fuliso.

Guddoomiyaha gobolka Bari Galan

Guddoomiyaha gobolka Bari Galan

Gudoomiyaha Gobalka C/samad Maxamed Galan ayaa uga Mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka wax qabadka la taaban karo ee ay ka fuliso Puntland gaar’ahaan Gobalka Bari wuxuuna kula dardaarmay inay sii xoojiyaan shaqada ay umadooda u hayaan wuxuuna Gudoomiyuhu balan qaaday inay gacan buuxda siin doonaan laamaha caafiimadka ee Gobalka Bari si uu Gobalkani u noqdo mid ka baahi beela dhanka caafiimaadka oo ah wax ugu muhiimsan ee ay umad weliba u baahantahay.

DSCF7381Mid kamid ah Gabdhaha qaliinkan lagu fuliyey oo ku caafiimaaday ayaa iyaduna ka sheekaysay sidii ay bulshada uga faquuqnayd intii uu xanuunkani hayey iyadoo wasaarada Caafimaadka iyo Guud ahaan masuuliyiinta Dawlada Puntland iyo weliba hay’adihii gacansiiyey uga Mahadnaqday sida wanaagsan ee ay ugu soo gurmadeen, Waxna uga qabteen xanuunkii aadka u xumaa ee bulshadooda ka faquuqay.

Wasiirka caafimaadka Puntland

Wasiirka caafimaadka Puntland

Wasiirka Caafiimadka Dawlada Puntland Dr Cali C/llaahi Warsame ayaa isguna halkaasi ka jeediyey hadal dheer oo uu kaga sheekaynaayo ololahan ay ka fuliyeen Magaalada Boosaaso iyo dhibaatada uu leeyahay xanuunka isku furanku wuxuuna sheegay inuu xanuunkan yahay mid kamid ah xanuunada ugu xun ee Bini’aadamka ku dhaca, wuxuuna tilmaamay inay ku guulaysteen inay qaliimo u sameeyaan 38-gabdhood oo xanuunkan la ildarnaa ayna ku guulaysteen dhamaantood xaaladooda caafimaad wuxuuna wasiirku u mahadceliyey Hay’adihii ka gacansiiyey, Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay inuu xanuunkani ku yimaado gabdhaha oo aan helin umuliso wanaagsan horayna u soo maray gudniinka fircooniga ah, wuxuuna gabdhaha ka codsaday inay tagaan goobaha caafimaad ee ugu dhaw marka ay dhalayaan.

Dhanka Kale Wasiirka Caafiimadka ayaa ka warbixiyey xaalada Caafimaad ee Gobalka Bari waxuuna sheegay inay Gobalkan si wanaagsan uga shaqeeyaan dhamaan goobaha caafimaadka marka laga reebo degmooyin ay tabar u waayeen inay gaaraan wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey inay sanadkan si wanaagsan uwada gaari doonaan dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobalka Bari si loo wada gaarsiiyo goobaha caafiimadka, Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay inay u diyaariyeen Gabdhaha Dhalaaya Gawaari Ambalaas ah oo guryahooda kasoo qaada, Umuliso tababaran iyo Cunadii ay cuni lahaayeen inta ay isbitaalka ku jiraan wuxuuna balan qaaday inay dib u celinaayaan gabdhaha markii ay dhalaan iyagoo siwanaagsan loo soo jicsimay, Tanina waa mid kamid ah adeegyada hormarka weyn ah ee aanu u hayno umadda Puntland ayuu yiri wasiirku.

Madaxweynaha Puntland " Wax badan baa la qabtay"

Madaxweynaha Puntland ” Wax badan baa la qabtay”

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Wasaarada Caafimaadka, Hay’adda UNFPA iyo Dhakhaatiirtii ka socotey Hay’adda Waha uga Mahadceliyey Ololahan lagu daaweynaayey gabdhaha qaba xanuunka isku furanka wuxuuna Madaxweynuhu Amaan gaar ah u jeediyey Wasiirada Caafiimadka Puntland gaar’ahaan Wasiirka Dr Cali C/llaahi Warsame oo ku tilmaamay shaqsi har iyo hameen usoo jeeda sidii uu ugu khidmayn lahaa umadiisa, Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa sheegay in dhibaatooyinkan ay ka yimaadaan gudniinka fircooniga ah, Dhalmada aan hagaasanayn iyo Dhibaatooyin kale oo soo gaara gabdhaha oo uu kufsiguna kamid yahay.

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa sheegay inay Dawladiisu ahmiyad weyn siinayso arimaha caafimaadka Puntland wuxuuna ka sheekeyey qayb aad u qurux badan oo lagu daray isbitaalka Boosaaso oo la bilaabay horaantii markii la doortay wuxuuna tilmaamay inuu ku dhawaqay 5/2/2009  wax ka yar bil markii ladoortay in la dhiso isbitaalka Magaalada Boosaaso isagoo kulan isugu yeeray Ganacsatada Magaalada Boosaaso wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay inay maanta arkaan muuqaalka aadka u quruxda badan ee dabaqa ka kooban labada dabaq ee laga dhisay Isbitaalka Guud ee Magaalada Bosaaso.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday Mudo kororsi maalmihii danbeba lagu eedaynaayey Dawlada uu majaraha u hayo ayaa meesha kasaaray inuu kororsaday wax mudo ah hase ahaate waxay Dawladaydu dhamaysanaysaa mudadii 5-sano ahayd ee La doortay isagoo eedayn kulul u jeediyey Shaqsiyaad u ku tilmaamay inaysan ka gadmayn umadda Puntland, Madaxweynaha ayaa balan qaaday inay Dawladiisu mudo sanad ah ku qaban doonto Doorashooyinka Golayaasha degaanka,Tan Baarlamaanka iyo tan Madaxeynaha, Isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay dadka oronaaya sanad laguba qaban karo hawl intaas le’eg.

DSCF7399Intaa kadib Madaxweynaha ayaa jaa’isooyin gudoonsiiyey gabdhihii qaliinka lagu fuliyey wuxuuna u rajaayey caafimaad wanaagsan, Gabgabadiina wuxuu dhagax dhigay qaybta qaliinka ee Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso isagoo warbixin ka dhagaystay injineerka dhismahaas fulinaaya, sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha isbitaalka intii uu ku sugnaa isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso.
Sawiro kale

DSCF7394DSCF7388DSCF7385DSCF7380DSCF7297

Mukhtaar Cabdi Faarax
puntlandpost,Bosaaso,PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA