BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Magaalada Boosaaso oo mudo 20-sano gudohood ah laga dareemayo isbadal ballaaran(Sawiro).

December 9, 2012 1:25 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)-Magaalada Boosaaso waa Magaalo taariikh iyo xadaarad fog la kowsatay qarniyo kahor, waana Magaalo boqolaal sano caan ku ahayd ganacsiga, Magaaladan ayaa qarniyo ka hor waxaa ganacsi u imaan jiray ganacsato iskaga timi qaybo fara badan oo kamid ah caalamka gaar’ahaan wadamada Carabta, Asia iyo Yurub, Boosaaso ayaa caan ku ahayd weligeedba soo dhawayn iyo fur-furnaan bulsho sida ay taariikhdu xusayso.

Guddaha Qasriga Madaxtooyada (Xuquuqda Sawirka Puntlandpost.com)

Markii ay Dalka Soomaaliya ka talinaayeen Dawladihii Rayidka iyo Malatiriga ahaa Magaalada Boosaaso kama hirgelin horrumar la taaban karo marka laga yimadii Dawladii Allaha u Naxariiste Maxamed Siyaad Barre oo markii ay sii dhacaysay Magaalada ka hirgelisay Dekad walow ay Dawladii Soomaaliya dhacday dekadan oo aan la dhamays tirin,  hadana Dekadan ayaa ah mid ay ku liibaaneen dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar’ahaan reer Puntland xilligii lagu guda jirey Burburka maadama ay mar ahayd Dekadda kaliya ee ka shaqaysa Dalka Soomaaliya.
Daawo Sawiro badan

Qayb ka mid ah Qasriga Madaxtooyada (xuquuqda sawirka Puntlandpost.com)

Inkastoo aysan iminka ku tagal kayagu ahayn inaan ka shakaayno taariikhda ay leedahay Magaalada Boosaaso ee Caasimada Dhaqaalaha Dawlada Puntland,  hadana waxaa lagaba Maarmaan ah inaan wax uun ka xasuusano waqtiyadan horrumarka xowliga ah ee ay ku socoto magaaladu.

Horrumarka ay Boosaaso Samaysay 20-kii Sano ee ugu danbaysay!!!!

Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso

Qofkii ay 20-sano ka hor ugu danbaysay Magaalada Boosaaso waxaa laga yaabaa inuu ka haysto fikir ah kii uu uga tagey 20-sano ka hor hase ahaate xaalku sidaas waa ku duwan yahay, Magaalada Boosaaso ayaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxay samaysay horrumar dhan kasta ah sida Ganacsiga Magaalada oo gaaray halkii ugu fiicnayd, Amaanka, Bulshada iyo Dhinacyo kale oo fara badan, Magaalada ayaa hooyo u noqotay guud ahaan umadda Soomaaliyeed,  waxayna noqotay Magaalo si iskumid ah usoo dhawaysa guud ahaan dadka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn.

Jaamacda Bariga Afrika (Xuquuqda Sawirada Puntlandpost.com)

Magaalada ayaa waxaa laga hirgeliyey Ganacsiyo kala gedisan, Waxaana Magaalada laga dhisay Saro dhaadher oo muuqaal ahaan kusoo jiidanaaya waxayna Muddo kooban ku noqotay Magaalada 3-aad ee ugu weyn Dalka Soomaliya halka laga yaabo 20-sano ka hor inaysan xitaa Magaalooyinka Soomaaliya kaga jirin kalinta 12-aad.

Maxjarka Xoolaha ee Boosaaso

Dadaalkan ay Boosaaso ku samaysay Horrumarka intaa le’eg ayaa loo sababeeya Amaanka degaanadan oo ahaa Mid xasilan 22-kii sano ee ay Soomaliyada kale ku jirtey qalalaasaha , Waxaana la oran karaa waa mid alle looga Mahadnoqo qof walbana uu xil ka saaran yahay sidii loo waardiyeyna lahaa Nabad Galyada deegaanadan.

Mid kamid ah Hotelada ku yaala Bosaaso, oo leh adeegyo casri ah

Maahan Horumarka Boosaso ku talaabsatay wax lagu soo koobi karo, Qoraal iyo Wakhti kooban toona , balse nala daawada Sawiradan ay warbaahinta Puntlandpost idkaga soo diyaarisay Muuqaalka Guud ee Magaalada Boosaaso.

Badda magaalada Boosaaso oo lagu raaxaysanayo

Muuqaalka Magaaladan markaan aragto , waxaa kusoo baxaysa in ammaanka Puntland oo la adkeeyaa inay Waajib ku tahay Qof walba oo ka soo jeeda deegaanada Puntland siiba kuwa kunool magaalada Boosaaso.

Mukhtaar Cabdi Faarax
puntlandpost,Boosaaso,PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA