BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobalka Bari oo xukun ku ridey kooxo Burcad Badeed ah(Sawiro).

December 30, 2012 6:48 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)-  Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobalka Bari ayaa maanta Dil,Xariga iyo ganaax ku ridey Burcad Badeedii haysatay markabkii ay dhawaan ciidamada badda Puntland kasoo furteen Degmada Garacad ee Gobalka Mudug.

DSC08471 3

Burcad badeed la xakumay

Burcad Badeedan ayaa iskugu jirtay kuwo la horkeenay Maxkamada iyo kuwo la xukumay iyagoo aan gacanta lagu hayn, Raga xukunka lagu ridey oo gaaraayey 20-nin ayaa waxaa xukunkooda faahfaahin ka bixiyey Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad sheekh Aadan Aw-cabdi waxaana uu sheegay inay dadkan si baadil ah u haysteen dad masaakiin oo aan waxba ka galabsan ayna u geysteen tacdiyo aad u xun, markii kalena waxay dagaal cad kala hor yimaadeen ciidamadii ay Dawladu u dirtay inay markabkaas kasoo furtaan ayuu yiri gudoomiyuhu.

Guddoomiyaha maxkamada

Guddoomiyaha maxkamada

Guddoomiyaha maxkamada ayaa sheegay in sadex kamid ah burcad badeeda oo gacanta lagu soo dhigay lagu xukumay 10-sano oo xarig ah iyo lacag gaaraysa konton malyan oo shilin Soomaliya, Sidoo kale 12-kale ayaa lagu ridey xukuno Dil,xarig iyo Ganaax iskugu jira, Ragaas oo aan illaa iminka gacanta lagu soo dhigin.

Hubkii lagu soo qabtay burcad badeedka

Hubkii lagu soo qabtay burcad badeedka

Dhawaan ayey ahayd markii ay soo furteen ciidamada badda Puntland dad mudo 3-sano ah lagu haystay xeebta garacad ee Gobalka Mudug, waxayna dawladu dadkaas ku wareejisay Dawladihii ay u dhasheen.

DSC08457 2

Mukhtaar Cabdi Faarax

Puntlandpost. Boosaaso, PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA