Boosaaso: (pp)- Madaxweynaha Puntland ayaa maanta Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Ambassador Cali Mascuud iyo saraakiil kale oo la socotay guddoomsiiyey muwaadiniin u dhashay dalka Yemen oo Bucad badeed Soomaaliyeed ay ku haysteen biyaha bada Puntland.
Muwaadiniintan ayaa waxaa soo furtay ciidamada Mariinada Puntland , inkasta oo intii la haystay la mariyey xaalado aad u xun oo qalafsan. Kulankan ayaa ka dhacay Xerada ciidamada Bada Puntland, waxaa ka qayb galay kullankan Waxgarad ka tirsan Puntland , Isimo , iyo Saraakiisha Puntland.
Safiirka dalka Yemen u fadhiya Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeediyey Madaxweynaha Puntland iyo shacabka Puntland iyo ciidamadii Puntland ee ka qayb qaatay sii daynta dadka Walaalahooda ah , isagoo sheegay in dowlada Yemen ay aad uga mahadcelinayaan sidda Wanaagsan ee Puntland usoo samata bixisay dadka muwaadiniinta ah ee reer Yemen.
Ambassador Cali Mascuud ayaa halkaas kula wareegay la haystayaashii Reer Yemen , iyagoo maanta gelinkii danbe laga duuliyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Puntlandpost.com