BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Suldaan Muuse Faarax Muuse oo maanta lagu Diley Magaalada Boosaaso.

February 2, 2013 1:05 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Boosaaso: (pp)- Waxaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari lagu diley allaha u naxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse oo kamid ahaa Isimada ugu caansan Puntland, Allah u naxariiste Suldaanka ayey kooxo hubaysani ku toogteen agagaarka Isgoyasa Gaaca ee Bartamaha Magaalada Boosaaso lamana garanaayo haybta kooxdaas Dilka geysatay oo markiiba ka baxsaday goobta uu dilku ka dhacay.

Boosaaso laga soo dhaweeyey dhaqangelinta barnaamijka asxaanta badan

Ciidamada Amaanka ee Magaalada Boosaaso oo markiiba Goobta uu Dilku ka dhacay gaaray ayaa Bilaabay hawgalo balaaran oo ay ku baadi goobayaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyey Dilka Suldaanka walow aan la sheegin Cid ay illaa iminka u qabteen Laamaha amaanku kamana aysan hadlin masuuliyiinta Amaanka ee Gobalka Bari Dilkan Loo geystay Suldaan Muuse Faarax Muuse.

Allaha u naxariiste Suldaan Muuse ayaa kamid ahaa isimada reer Puntland ee sida aadka ah uga shaqeeya nabad galyada Puntland gaar’ahaan xalinta khilaafaadka soo kala dhex gala Beelaha reer Puntland siiba kuwa Gobalka Bari waxaana lagu xasuusan doonaa xalinta Dagaalo dhex maray Beelaha Gobalka Bari.

Guud ahaan dadweynaha reer Puntland gaar’ahaan kuwa Magaalada Boosaaso ayaa si aada uga naxay Dilka Suldaanka, Wuxuuna Dilkani kusoo aadayaa xili Magaalada Boosaaso uusan wax Dil  qorshaysan ah ka dhicin Mudo ka badan sanad iyo Badh, Waana arin walwal cusub ku abuuraysa guud ahaan dadka reer Puntland gaar’ahaan kuwa Gobalka Bari.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA