BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Urur Siyaasadeedka HOR-CAD oo lagaga dhawaaqay Magaalada Boosaaso(Sawiro).

December 5, 2012 1:51 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)- Magaalada Boosaaso ee caasimada Dhaqaalaha Puntland gaar’ahaan Hotel Jubba ayaa lagaga dhawaaqay urur Siyaasadeed cusub oo lagu Magacaabo HOR-CAD.

Ururkan oo lagaga dhawaaqay xaflad si heer sare ah loo so agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Aqoonyahan, Culimo, Duqay Dhaqan, Ganacsato iyo
Qurba Joog waxaana halkaasi ka hadlay odayaal dhaqan iyo Ganacsato reer Puntland ah.

Nabadoon Xaaji Xuseen Gacayte oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa u hambalyeeyey Xisbiga Cusub ee Horcad wuxuuna u rajeeyey inuu noqdo mid si cadaalad iyo dhex-dhexaada ugu adeega dadkiisa iyo Dalkiisa, isagoo ugu baaqay madaxda xisbigaas inay si isku mid ah xafiiyo uga furtaan Sideeda Gobal ee Puntland, Nabadoon Xaaji Xuseen Gacayte ayaa ururkan cusub u rajeeyey inuu kamid noqdo sadexda xisbi siyaasadeed ee Puntland isagoo siwey n ula dar-daarmay dadka urukan ku dhawaaqay.

Urur Siyaaasadeedka HOR-CAD ayaaa waxaa Gudoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay Ganacsade caan ah oo lagu Magacaabo Cumar Ismaaciil Waaberi wuxuuna ururkani noqonayaa kii sadexaad oo lagaga dhawaaqo gudaha Puntland, Waxaa Horay uga horeeyey laba urur Siyaasadeed oo kala ahaa HORSEED iyo UGUB.

 

Urur sadexaad oo looga dhawaaqy puntland

Urur Siyaasadeedka HOR-CAD ayaa u tartami doona doorashooyinka Golayaasha Dawladaha Hoose ee Puntland oo la rajaynaayo inay dhacdo sanadka fooda ina kusoo haya bilihiisa dhexe.

Tan iyo Markii lagu dhawaaqay Xisbiga Dawlada ee HORSEED ayaa waxaa siweyn degaanada Puntland looga dareemaayey qaban-qaabo loogu jiro furashada ururo cusub, Waxaana lagu wadaa in urur kale sacaadaha iyo Maalmaha sooscoda lagaga dhawaaqo gudaha Puntland sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandpost.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA