BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Urur Siyaasadeedka UGUB oo rajo wanaagsan ka muujiyey inay Doorashooyinka Dawladaha Hoose ay dhici doonaan Bisha May-2013.

December 8, 2012 11:46 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)- Gudoomiyaha urur Siyaasadeedka UGUB ee Puntland Maxamuud Saciid Nuur (Dabayl) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inay bisha May-2013 ay Puntland ka dhici doonto doorasho Dimuqraadi ah oo uu qof walba oo reer Puntland ah soo dooranaayo xubnaha golaha deegaanka ee Degmooyinka Puntland.  Dabayl ayaa sheegay in isaga iyo xisbigiisu ay u diyaarsan yihiin inay u tartamaan talada Puntland si xor ah ayna aqbalayaan natiijada doorashada haddii ay ku guulaystaan iyo haddii lagaga guulaystaba.

Maxamuud Saciid Nuur (Dabayl) , Guddoomiyayha Xisbiga Dabayl

Maxamuud Saciid Nuur (Dabayl) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inuu xisbigiisu kusoo bixi doono doorashada golayaasha deegaanka uuna kamid noqon doono sadexda xisbi Siyaasadeed ee Puntland maadama uu Urur Siyaasadeedka UGUB leeyahay shacbiyada aad u wanaagsan uuna taageero wanaagsan kala kulmay guud ahaan umadda reer Puntland markii lagu dhawaaqay, wuxuuna dadweynaha Puntland ugu baaqay inay taageeraan nidaamka xisbiyada badan maadama uu yahay kan Puntland u horseedi doona Cadaalad iyo Horumar ka hanaqaada Puntland.

Mudane Dabayl ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo furi lahaa xafiisyada urur Siyaasadeedka UGUB  oo laga furi doono sideeda Gobal ee Puntland, wuxuuna sheegay inuusan xisbigani ahayn mid ay leeyihiin dad gaar ah iyo Shaqsiyaad toona hase ahaate uu yahay xisbi ay wadaagaan guud ahaan umadda Puntland waxaana ku jira ayuu yiri dad fara badan oo kasoo kala jeeda sideeda Gobal ee Puntland.

Urur Siyaasadeedka UGUB ayaa ahaa kii 2-aad ee lagaga dhawaaqay Puntland, waxaana ku midoobay aqoonyahan,Ganacsato,Culimo-awdiin iyo Siyaasiyiin waxaana gudoomiye kumeel gaar ah loo doortay Maxamuud Saciid Nuur (Dabayl) oo horay u ahaan jirey Guddoomiyaha Gobalka Sanaag, Waxaana ururkan taageeray markii lagu dhawaaqay dadweyne fara badan oo ku sugan gudaha Puntland iyo dalka dibadiisa, wuxuuna ururku iminka rajo wanaagsan ka qabaa inuu kamid noqdo sadexda xisbi siyaasadeed ee Puntland marka bisha May ee sanadkan fooda inaku soo haya loo tartamo doorashooyinka Dawladaha hoose oo ay kasoo bixi doonaan sadexda xisbi ee u tartami doona doorashooyinka Baarlaamaanka iyo Madaxweynaha.

Mukhtaar Cabdi Faarax
Puntlandpost,Boosaaso,PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA