BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Ururkii UGUB oo shaaciyey inuu la midoobey urur Siyaasadeedka UDAD.

January 29, 2013 11:43 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Boosaaso: (pp)- Gudoomiyaha urur Siyaasadeedkii ku haray sharuudaha Gudiga doorashooyinka Puntland wajigoodii 1-aad ahana Gudoomiyihii Hore ee Gobalka Sanaag Maxamuud Saciid Nuur (Dabayl) oo maanta saxaafada kula hadlaayey Magaalada Bosaaso ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu ururkiisu la midoobey urur Siyaasadeedka UDAD oo kamid ah ururada buuxiyey sharuudaha guddiga doorashooyinka wajigoodii 1-aad.

 

Maxamuud Saciid Nuur (Dabayl) , Guddoomiyayha ururkii UGUB.

Maxamuud Saciid Nuur (Dabayl) , Guddoomiyayha ururkii UGUB.

Mudane Dabayl ayaa sheegay inuu ururkan ugu biiray kadib markii uu arkay inuu ururkani yahay mid tartan adag la geli kara urur Siyaasadeedka Horseed isla markaana haysta shacbiyad aad uu tira badan, wuxuuna sheegay in la isku dabiqi labada sharci ee ururada UGUB iyo UDUD  Dhawaana ay qaban doonaan Shirweynaha urur Siyaasadeedka UDUD oo ka furmi doona Caasimada Dawlada Puntland ee Garoowe.

Dhanka kale Dabayl ayaa ugu baaqay Xisbiga talada Puntland haya ee Horseed inuusan kula tartamin hantida umadda ka dhaxaysa  isla markaana la kala madax banaaneeyo hantida umadda Puntland iyo tan urur Siyaasadeedka Horseed waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhawaan ayey ahayd markii uu ururka UGUB uu ku haray sharuuda wajiga 1-aad ee ururada Mucaaradka uuna Gudiga dorashooyinka Puntland shaaciyey 6-urur oo uusan ururkaasi ku jirin waxayna Midowga labadan urur kusoo aadaysa xili uu dhawaan ururka UDADA shaaciyey inay soo dhaweynayaan cid kasta oo kamid noqonaysa ururka UDAD ayna ku jiraan Siyaasiyiintii kasoo horjeeday hanaanka Xisbiyada badan.

Mukhtaar Cabdi Faarax

puntlandpost, Boosaaso,PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA