Boosaaso: (pp)- Waxaa Gobalka Bari ka dilcaaday Cudurka duumada wuxuuna soo ritey Tobanaan qof, Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu cudurkani siweyn uga dilaacay Gobalka Bari iyo deegaano hoos taga Gobalka Karkaar. Wasiirka Caafimadka Dawlada Dr Cali C/llaahi Warsame oo Shir jaraaid ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inuu cudurkani fara kulul ku hayo Gobalka uuna soo ritey iminka dad kor u dhaafaya 50-qof oo iminka yaala isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso.
Wasiirka ayaa sheegay inay Wasaaradiisu u guntantay sidii ay wax uga qaban lahayd cudurkan wuxuuna Dadweynaha ka codsaday inay tagaan goobaha caafimaadka ee ugu dhaw markii ay qandho dareemaan si looga baaro loona gana Daweeyo Cudurkan, Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland ayaa sheegay in dadka uu iminka soo ritey cudurkan ee yaallaan isbitaalka Magaalada Boosaaso ay ka yimaadeen Magaalada Boosaaso,Qaar kamid ah Degmooyinka Gobalka Bari iyo xitaa Deegaano ka baxsan Gobalka Bari oo uu kamid yahay Gobalka Nugaal, Wuxuuna tilmaamay inaan indhaha laga qarsan karin sida balaaran ee uu cudurka duumadu uga dilaacay Gobalka Bari.
Wasiirka ayaa sheegay in loo malaynaayo inuu cudurkani ka dhashay roobabkii xoogana ee dhawaan ka da’ay deegaano katirsan Gobalka Bari oo ay ka dhalatay cayayaanka kaneecada, Dr Cali C/llaahi Warsame ayaa sheegay inay isbitaalka iyo Goobaha MCH-yada ay ku diyaariyeen Daawooyin lagula tacaali doono dadkaas uu soo ritey cuduran, Sidoo kale waxaan u diyaarinay halkaa la seexan lahaa hadii loo baahdo ayuu yiri wasiirku.
Dhanka Kale wasiirka Caafimaadka ayaa ka hadlay qalab Isbitaal iyo Daawooyin lasoo gaarsiiyey isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso, Wuxuuna sheegay in qalabkaas laga keenay Dalka Sweden ayna soo dhiibistiisa gacan ka geysteen jaaliyadda reer Puntland ee Wadanka Sweden, Wasiirka ayaa tilmaamay in qalabkan lagu qalabayn doono Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso gaar’ahaan qaybaha cusub ee iminka laga hirgeliyey halka qaar kalena loo gudbin doono Isbitaalka Guud ee Magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag.
Mukhtaar Cabdi Faarax
Puntlandpost,Boosaaso,PL