BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Wasiirka Waxbarashada Puntland oo gaaray Boosaaso

December 6, 2012 3:43 pm GMT - Written by PP - Edited by Editor

Boosaaso: (pp)- Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Waxbarashada Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxaa ayaa gaaray magaalada Dekeda ah ee Boosaaso, kaddib markii ay soo gaba-gabeeyeen Safaro shaqo oo ay kusoo kala bixiyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolada Nugaal, Karkaar iyo Sanaag.

Wasiirka & Wafdigiisa,  ayey howshooda Shaqo ay la xiriirtaa in ay wax ka ogaadaan una kuur-galaan Xaalada Waxbarasho ee deegaanada Puntland, si wax looga qabto, weliba deegaanada ka baxsan Jidka Dheer.

Cabdi Faarax Juxaa iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa joogi doona magaalada Boosaaso maalmaha socda , iyagoo booqashooyin ku tagi doona xarrumaha Waxbarasho ee ku jira magaalada Boosaaso, sidda Skoolada, Jaamacadaha iyo Machadyada ku yaal magaalada Boosaaso.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa xog waran siin-doonaan Madaxweynaha Puntland oo waqtigan kusugan magaalada Boosaaso, iyagoo uga warami-doona waxyaalihii ay kala soo kulmeen deegaanadii ay kormeerada kusoo kala bixiyeen.

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa ka mid ah Wasaaradaha aadka ugu  dadaalay dhanka Waxbarashada horayna uga mariyey deegaanada Puntland, waxayna Wasaaradu Scholarship-yo usoo heshay Sanidihii ugu danbeeyey arday badan oo ka soo jeeda deegaanada Puntland, kuwaas oo hadda Waxbarasho u jooga dalalka Ethiopia, Turkiga, Suudaan iyo wadamo kale.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA