BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Wax garad soo dhaweeyey urur Siyaasadeedka cusub ee UGUB (Sawiro)

December 4, 2012 9:14 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)- Iyadoo Shalay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari lagaga dhawaaqay urur Siyaasadeedka Cusub oo lagu magacaabo UGUB ayaa waxaa soo baxaaya Hambalyo iyo Taageero loo muujinaayo urur Siyaasadeedka cusub ee UGUB, Qaar kamid ah wax garadka Puntland ayaa siweyn usoo dhaweeyey ururka uu Gudoomiyaha ka yahay Gudoomiyihii hore ee Gobalka Sanaag Maxamuud Saciid Nuur Dabayl.

 Suldaan C/llaahi Jeenicad oo kamid ah isimada reer Puntland ayaa siweyn usoo dhaweeyey Urur Siyaasadeedka UGUB wuxuuna u rajeeyey inuu kamid noqdo sadexda Xisbi Siyaasadeed ee ka jiri doona Puntland, Isagoo Bogadin u jeediyey dadka ururkan ku dhawaaqay gaar’ahaan Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka UGUB Mudane Dabayl.

Xisbi Cusub oo lagaga dhawaaqay Magaalada Boosaaso

Dadka soo dhaweeyey urur Siyaasadeedkan waxaa kamid ah Nabadoon Caraale Saciid oo kamid ah nabadoonada Puntland wuxuuna ku tilmaamay ururkani uu sito   Magac wanaagsan uuna yahay ururkii 2-aad ee lagaga dhawaaqo guddaha Puntland, Haweenka Gobalka Bari ayaa iyaguna siweyn usoo dhaweeyey urur Siyaasadeedka cusub ee UGUB uuna gudoomiyaha ka yahay Maxamuud Saciid Nuur Dabayl.

Gudoomiyiha urur Siyaasadeedka UGUB Maxamuud Saciid Nuur Dabayl ayaa sheegay inuu ururkiisu si cadaalada ugu adeegi doono umada Puntland isagoo sheegay inuu ururkani yahay mid ay ku midaysan yihiin dad badan oo iskugu jira qaybaha bulshadu ka kooban tahay wuxuuna tilmaamay inay xarumo ka furan doonaan Dhammaan Gobalada iyo Degmooyinka Puntland, Wuxuuna muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo urur Siyaasadeedkii 2-aad ee lagaga dhawaaqo Puntland.

Mudane Dabayl ayaa sheegay inay mudo bilo ah soo wadeen fikirkan ay ku samaynayaan urur Siyaasadeedka UGUB isagoo uga Mahad celiyey cid kasta oo gacan ka siisay ku dhawaaqista urur Siyaasadeeka UGUB, Isagoo dadweynaha reer Puntland ka codsaday inay Taageeraan Xisbigiisa wuxuuna tilmaamay inay u furantahay dhalinyarada iyo cid kasta oo kamid ah bulshada inay kusoo biirto Urur Siyaasadeedka UGUB.

Ku dhawaaqista urur Siyaasadeedka UGUB ayaa kusoo aadaysa xili ay Puntland hirgelisay nidaamka xisbiyada badan, Waxaana Magaalada Boosaaso iyo Guud ahaan deegaanada Puntland ka socda qaban-qaabada loogu jiro furashada ururo Siyaasadeed, Iyadoo la rajaynaayo in Magaalada Boosaaso saacadaha soosocda lagaga dhawaaqo ururo  kale kuwaas oo Bisha May-2013 ku tartamo doona doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Puntland.


Mukhtaar Cabdi Faarax
puntlandpost, Boosaaso, PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA