BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOOSAASO: Xaflad ballaaran oo ay kasoo qayb galeen Madaxda Dawlada Puntland & Dadweyne fara badan oo ka dhacday Madaxtooyada Boosaaso(Sawiro)

December 3, 2012 7:46 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)- Xaflad si heer Sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qayb galeen Madaxda ugu Saraysa Dawlada Puntland, Odayaal Dhaqan,  Culimo awdiin, Ganacsato, Aqoonyahano,Dhalinyaro, Haween iyo Indheer garad kale ayaa xalay lagu qabtay Xarrunta Madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso waxaana halkaas ka hadlay qaar badan oo kamid ah dadkii xafladaas kasoo qayb galay oo ahayd mid uu Madaxweyne C/raxmaan Faroole bulshada warbixin uga siinaayey xaalada ay iminka ku sugan tahay Puntland, Horumarka ay Dawladu ka gaartay dhinicyo badan, Nidaamka Xisbiyada Badan iyo Horumarada u qorshaysan inay Dawladu ka fuliso deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo la hadlay Shacabka Boosaaso

Ugu Horayn waxaa xaflaadaasi furay Gudoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan oo halkaasi ka jeediyey hadal kooban oo uu kaga warmaayo xaaladaha Amaanka, Horumarinka iyo Caqabado ee iminka ka jira Gobalka Bari wuxuuna tilmaamay Guddoomiye Galan inuu Amaanka Gobalku yahay mid sugan oo dhan walba layskaga halayn karo isagoo taasna ku Mahadiyey Eebihii ku manaystay inay ku naloodaan Nabad galyo iyo Kala dambayn.

Guddoomiyaha Gobolka Bari, C/samad Gallan

Guddoomiyaha Gobalka Bari ayaa bogaadin iyo amaan duldhigay Shacabka ku dhaqan gobalka oo uu sheegay inay ciidamada amaanka si wanaagsan ugala shaqeeyaan adkaynta Nabad Galyada Gobalka.

Daawo sawiro badan

Wasiirka Amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudan

Waxaa Isaguna Halkaasi ka hadlay Wasiirka Amniga Dawlada Puntland Khaliif Ciise Mudan oo si gaar ah uga hadlay halka uu maraayo Amaanka Puntland iyo sida looga wada shaqayn karo Nabad galyada, Wasiirka ayaa sheegay inuu amaanka Puntland xilligan yahay mid dhan walba layskaga halayn karo isagoo taasna u sababeeyey Dawlada iyo Shacabka Puntland oo jaanta isla helay si wadjir ahna uga wada shaqaynaaya nabad galyada iyo Masiirka Puntland,  wuxuuna tilmaamay inaan cidna laga ogolaan karin inay Khal-Khal geliso nabad galyada Puntland hase balse waxaa uu tilmaamay wasiirka amniga Puntland inay soo dhwaynayaan cid kasta oo wax ka tabanaysa Dawlada Puntland si wanaagsana ay uga qancin doonaan wax ay tabanayso isagoo meesha ka saaray inaan Puntland lagu sii dayn karin kuwo dano gaar ah wata oo doonaaya inay ka abuuraan nabad galyo xumo dhulka Puntland isagoo tusaale usoo qaatay Burcad Badeeda iyo Argagixisada, Wasiirka Amniga ayaa dadweynaha reer Puntland ka codsaday inay kawada shaqeeyaan amaanka meelna looga soo wada jeesto wax kasta oo nabad galyo xumo keeni kara,

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo halkaasi ka jeediyey hadal dheer ayaa ka hadlay dhinacyo kala gedisan oo ay kamid ahaayeen amaanka, Dhaqaalaha, Horumarinta iyo Nidaamka axsaabta badan, Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa dadweynaha Puntland ugu baaqay inay kawada shaqeeyaan Amaanka si ay Puntland Horumar u gaarto wuxuuna Madaxweynuhu tilmaamay in loo baahan yahay in si gaar ah loo xaqiijiyo amaanka caasimada dhaqaalah Puntland ee Boosaaso maadama ay tahay Magaaladii ganacsiga ee Puntland, Madaxweynaha oo ka hadlaayey dhanka dhaqaalaha ayaa sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii kor loogu soo qaadi lahaa dhaqaalaha Puntland isagoo sheegay in aduunka oo dhan ay iminka ka jirto dhaqaalo xumo wuxuuna sheegay inay jiraan shaqsiyaad wata dano siyaasadeed oo si qayrul caadi ah u buunbuniya dhaqaalaha Puntland inuu liito.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay Horumarka Puntland isagoo xalay goobta kaga dhawaaqay inay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso u hayaan lacag gaaraysa  5 Milyan oo Dollar oo lagu dhisi doono Garoonka ay diyaaraduhu ka hadaan ee Magaalada Boosaaso,  Wuxuuna Ganacsatada iyo Dadka wax haysta ugu baaqay inay ka qayb-qaataan Horumarka Puntland  gaar’ahaan Dhhismaha garoonada Diyaaradaha isagoo si gaar ah u canaantay ganacsatada oo uu sheegay inuusan Dalku ka helin xaqii uu ka mudnaa maadama ay hantida ka heleen Dalka iyo Dadka ku dhaqan, Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in lala xisaabtami doono ganacsatada wuxuuna su’aal geliyey halka ay ku bixiyaan lacagaha sakada ah ee ay sheegaan inay sanad walba bixiyaan.

Madaxweynaha oo ka hadlaayey Nidaamka Xisbiyada Badan ayaa ku tilmaamay Horumar ay Puntland Horay u qaaday isagoo goobta kaga dhawaaqay in dhamaan ay doorashadu ka dhacayso 37-degmo ee Puntland si isku mid ah, Taasna waxaan u samaynay markii ay cabasho fara badan nooga timi dadweynaha reer Puntland ayuu yiri Dr C/raxmaan Faroole, Madaxweynaha ayaa dadweynaha ka codsaday inay taageeraan nidaamka xisbiyada Badan si ay Puntland ugu furto dariiq cusub oo Horumarineed.

Waxaa iyaguna Goobta ku sugnaa qaar kamid ah duqayda Magaalada Boosaaso, Nabadoon Xaaji Xuseen Gacayte oo hadal jeediyey ayaa ka hadlay dhinicyo badan oo ay Dawlada Puntland     Kasamaysay Horumar la taaban karo iyo qaar kale oo aan weli laga sal gaarin, Caaqilka Ayaa Dawlada ku amaanay Hirgelinta nidaamka xisbiyada Badan iyo Horumaro kale oo uu sheegay inay ku talaabsatay Dawlada  uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole wuxuuse Dawlada ugu baaqay inay wax ka qabato garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso oo uu sheegay in loo baahan yahay in la dhiso garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso maadama ay dayac fara badan ku qabaan dadka Puntland garoomada diyaaradaha ayna ka dhoofaan garoono ay leeyihiin Maamulo kale oo aan si wanaagsan ula macaamil tamin dadka reer Puntland marka ay garoonadooda ka dhoofayaan.

Ugu Danbayntii Xaflada ayaa lagu daawaday Film ka sheekanaayey Nidaamka Xisbiyada badan iyo Herarkii uu soo maray bilow illaa meesha uu maanta maraayo, Waxayna Xafladaan oo ay ka hadleen dad fara badan kusoo idlaatay jawi wananaagsan, Waxaana la filaayaa inuu Madaxweynuhu kulamo gaar ah la qaato Odayaasha Dhaqanka Gobalka Bari, Dhalinyarada iyo Haweenka sida uu goobta ka balan qaaday Madaxweyne Faroole.

Mukhtaar Cadbi Faarax
puntlandpost, Boosaaso, PL 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA