BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BOSASO: Horumarka ay hiigsanayso Puntland iyo Doorka Jaamacadda Bariga Africa(VIDEO)

December 30, 2012 2:29 pm GMT - Written by Hirsi - Edited by PP

Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo oo aan kuwaraysto barnaamijka Daldhis gudoomiyaha guud ee jaamacada bariga Africa Prof Cabdirisaaq Hiirad oo warbixin qiimo badan jiriirico iyo hididiilo badana ku abuurtay quluubta qurbo jog badan oo jecel horumarka dadkooda iyo dalkooda aniguba aa ugu hooreeyee.

Prof Cabdirisaaq wuxuu si tafatiran uga hadlay heerka ay marayso waxbarashada jaamacada bariga Africa iyo himilada ay hiigsanayso jaamacaadu oo uu kutimaamay mid sanad walba soo saarta aqoonyahano ka howlgala qeybaha kala duwan ee wadanka haday tahay Shaqaale dowladeed ,hay adaha goonida looleeyahay iyo kuwa caalmkaba sidoo kale wuxuu profsoorku ku tilmaamay jaamacada bariga Africa mid la tartami karta jaamacadaha aduunka ,dhanka kalena jaamacadu waxay hormuud utahay jaamacadaha geeska Africa.

Waxaa kaloo barnaamijka daldhis nasiib u yeeshay in xiligii aan barnaamijka Daldhis samaynaynay uu jaamacada soo booqday Madaxweynaha Puntland Mudane Dr Cabdiraxmaan sheikh Maxamuud isagoo lahadlaya ardaydana wuxuu madaxwenuhu si dhiiran ugu booriyey inay kudadaalaan waxbarashadooda isla markaana waxa ay bartaan gaarsiiyaan degmooyinka iyo tuulo walba oo SOMALIA kamida isagoo madaxweynuhu ugu baaqay kuna dhiiriyey dhalinyarda inay yihiin mustaqbalkii wadanka, wuxuuna ku tilmaamay inay dhalinyarada maanta ee punland ay ka nasiib badan yihiin dhalinyaradii xiligii dugsigiisa sare oo waagaas waxbarasho heerka sare loo doonan jiray Muqdisho.

Waxaa kaloo iyaguna aan waraysanay qaar kamida ardayda jaamacada bariga Africa oo aan wajiyadooda iyo hadaladooda ay ka muuqatay inay yihiin dhalinyaro ay ku dheehan tahay wadan jacayl una arka inay jaamacadoodu lamid tahay jaamacadaha aduunka aadna ay ugu faraxsan yihiin.

Runtii iyadoo aan erayo lagu soo koobi kari tayada waxbarasho ee Puntland ayaa waxa uu profsoorku lahadlay qurba joogta kasoo jeeda puntland & guud ahaan somaliweyn isagoo waalidiinta ku booriyey inay wadan koodii taalo Fursad aad u qaali ah taasoo Caruurta qurbaha joogta ay Puntland kaheli karaan waxbarasho tayo leh iyadoo ay intaas u dheertahay dadkoodii dalkoodii iyo Diintoodii oo ay ku dhexjiraan.

Dhanka kalena Prof Cabdirisaaq wuxuu baaq murtiyeysan u udiray maal qabeenada ,ganacsatada iyo Aqoon yahanka Puntland , waxaa loo baahan yahay in Maalqabeenada lacagahooda ay kula meeraysanayaan Bariga Africa iyo Carabta inay Ku aaminaan oo ku kalsoonaadaan Wadankooda, inay u hiiliyaan wadankooda, maalkooda gashadaan wadan kooda taasoo keeni karta ayuu yiri shaqo abuuris qayb weyna ka noqonaysa horumarka wadanka., wuxuu kaloo intaas kudaray marka aad wadan kaaga ganacsi kuleedahay ama wax soo baratid oo aad aqoon taada dib ugu soo celisid wadankaaga. Oo aad aragto sida laguu soo dhaweeyo ,laguu ixtiraamo, laguu qadariyo, markaas un baad dareemi kartaa saxansaxada nololeed ee wadankii yaala, Laakiin inta aad Maalkaagu kaayaal wadankale oo aadan u dhalan Qatar ayaad waxaad ugu jirtaa in lagaa dhaco maalka gebigiisaba ,xushmad iyo Qadarina Warkeedaba daa.

Aqoonyahanada Puntland ee waxbartayna wuxuu Prof Cabdirisaaq u diray baaq cad oo wata balan qaad cad , Profsorku isagoo toos ula hadlayana wuxuu yiri waxaan aqoon yahanada Puntland ugu baaqayaa inay aqoon tooda kusoo celiyan wadankooda oo ugu yaraan ay yimaadaan waxna kadhigaan xiliga fasaxa wuxuuna profsoorku balan qaaday in Jaamacada bariga Africa ay soo dhaweynayso martigalineyso xiliga ay aqoon yahanadaasii wadanka ku sugan yihiin.

Ugu Danbayn tiina Wuxuu profsoorku la hadlay dadka aan ku timaamay Qurbejoog Qaylo dheer iyo dadka maqaayadaha kasheekeeya kuwaasoo uu ugu baaqay inaysan isku heli Karin , Xaqna ulahayn inaanay wadanka waligood tagin ,,soona booqan kana warqabin Horumarka balaaran oo ay Hiigsanayso Puntland , islamarkaana iyagoo warmoog ah ay rabaan inay faaleeyaan oo ka hadlaan oo rogrogaan xaalada Puntland taasoo uu kutimaamay wax aan loo baahnayn, wuxuuna ugu baaqay maqaayad kasheekeeyayaasha ama kamid noqda isbedelka iyo Horumarka ama afkiina haysta .

Gebagabadii ayaan hadaanu nahay Bahda daldhis waxaan aad usoo dhaweeeyneynaa fikirka ,talada, iyo tusaalaynta Profsorka naftaydaba aan kabilaabee (Muluq-Muluq danbe iyo Hadal mucaaradnimo Majirto )hadii alle idmana waxaan kusoo wajahanahay fasaxayga ugu Horeeya Puntland anigoo Qaadanaya Taladii Profsoorka rajaynayana ina dad badan oo kalana ay qaadan doonaan Hadii alle idmo waxaan 6da todobaad ee faxayga ah kabilaabi Doonaa magaalada Boosaaso jaamacada Bariga Africa oo aan casuumaad kahelay Qorshahayguna uu yahay in aan Soo gaarsiiyo gebi ahaanba puntland ( Qaylodhaantii Qaad DIID ) Anigoo rajaynaya inaan ku wareego lana kulmo ardayda dugsiyada sare, Jaamacadaha iyo qaybaha kaladuwan ee buldhada .

DAAWO BARNAAMjii DALDHIS OO DHAN.
Abukar Awale ( Qaad diid )

Daabacaada: Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA