BOSASO: Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo maalmihii u danbeeyey Socdaalo ku maraayey Gobalada Bari iyo Karkaar iminkana ku sugan Magaalada Boosaaso ee caasimada Dhaqaalaha Dawlada Puntland ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaadanaaya qaybaha kala duwan ee bulshada Gobalka Bari, Madaxweynaha ayaa la kulmaaya wax garadka, Aqoonyahan, Dhalinyarada, Haweenka iyo Maamulada Gobalka Bari iyo Kan Degmada Boosaaso, Wuxuuna kala hadlaayaa sidii loo adkayn lahaa nabad galyada Puntland isagoo Madaxweynuhu u kuur galaaya baahiyaha Nabadeed, Horumarineed iyo Nololeed ee ku gadaaman Bulshada ku dhaqan degaanada uu ku sugan yahay.
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulan balaaran oo ay kasoo qayb geli doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada uu la qaato Bulshada Magaalada Boosaaso, Waxaana lagu wadaa inuu halkaas Madaxweynuhu ka jeediyo khudbad dheer oo uu kaga sheekaynaayo mar xalada ay iminka Marayso Puntland, Horumarka ka socda dhulka Puntland, Nidaamka Xisbiyada Badan ee ay dhawaan u guurtay Puntland iyo dhinicyo kale oo la xiriira arimaha bulshda, Wax yaabaha uu Madaxweyne Dr C/raxmaan Faroole kala hadlaayo bulshada ayaa la sheegayaa inay ugu waaweyn yihiin Horumarinta, Nabad galyada iyo Nidaamka Xisbiyada badan ee ay Puntland geediga usii tahay, Waxaana la sheegayaa inuu Madaxweynuhu la kulmay qaar kamid ah dadkii ka gaws adaygaayey ama diidadanaa nidaamka xisbiyada badan kuwaas oo la sheegaayo inay qaar badan oo kamid ah ay ku qanceen nidaamka xisbiyada badan kadib markii garawshiiyo fiican laga siiyey in Horay u socodka Puntland uu ku jiro iyadoo Dalka laga hirgeliyo xisbiyo siyaasadeed oo ku tartama Siyaasada Puntland.
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Ayaa kulamo noocan ah lasoo qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaaloyinka Qardho, Waaciye iyo Carmo isagoo Madaxweynuhu kala hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa nabad galyada Puntland looguna istaagi lahaa Horumarka dhulka Puntland, Loona taageeri lahaa nidaamka Xisbiyada badan oo ay dad badan sheegayaan inuu dhabaha toosan ku duwi doono marka ay Puntland ka dhacaan Doorashooyin Xor ah oo uu qof kasta oo reer Puntland u codeeyo qofka uu doonaayo inuu hogaamiyo Dadka iyo Dalka Puntland.
Mukhtaar Cabdi Faarax
Puntlandpost, Boosaaso, PL