BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

BURTINLE: Xaflad lagu furayo College caafimaad oo lagu qabtay degmada Burtinle(Sawiro)

January 10, 2013 2:01 pm GMT - Written by Hirsi - Edited by Hirsi

Burinle: Xafladdaas oo  lagu qabtay xarunta  college-ka  ee  magaalada Burtinle  ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne  aad u badan oo isugu jira Bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaaayeen  xubno ka socda Golaha deegaanka Burtinle, waxgaradka, Arday iyo waalidiin iyo waliba dadwayne kale oo aad u badnaa.

Kuliyaadaan caafimaadka  oo dhawaan laga hirgashay magaaladda Buurtinle, ayaa xafladda waxaa ugu horaynba kahadlay Agaasimaha ahna asaasaha Burtinle College of Health sciences Arts and Languages  Dr.A bdihakim Farah dhaashane isagoo ka warbixiyay kuliyaadaan, waxaa uusheegay in Markii uu arkay  baahida caafimaad ee kajirta Goboladda Puntland gaar ahaa magaaladda Burtinle oo dadwayne aad u badan ku nool yahay haddana baahiwayn loo qabo shaqaale caafimaad oo xirfadlayaal ah, siiba kalkaaliyayaashaa caafimaadka (Nursing) iyo shaybaarkay(lab technologists) oo runtii ah lafdhabarta caafimaadka Bulshadda, Bulsho walbaa waxay caafimaad qabtaa inta ay haysato dad caafimaadka xirfad  u leh saas waxaa yiri Dr.dhaashane.

pic3

Mar uu ka hadlayay koorsooyinka lagu baran doono Collegeka waxaa uu sheegay  inay kuliyaddu diyaaarisay laba koorso oo ay ardaydu kala baran doonaan    kuwaas oo kala ah NURSING AND MEDICAL LABORATORY DEPARTMENT ,waxaa iyana jiridoona koorsooyin gaagabaan oo ku saabsan luuqadaha iyo caafimadka caruurta iyo bulshada (child and community health) iyo luuqadaha sida English iyo Arabic .

Mar uu ka hadlayay Mr dhaashane tayada  manhajka collegeka waxaa uu yiri waa mid caalami ah oo waafaqsan nidaamka koorsooyinkaan loo barto.  Waxaa ardayda wax loobari doono qaab casri ah oo aan horay wadanka wax looga baran, kaas oo ardayga lagu baridoono qaabkii ugu danbeeyay ee caalamka wax looga barto iyaddoo la isticmaalayo qaab iyo qalab ardaydad ufududaynaya inay arkaan waxkasta oo laxiriira koorsooyinka ay baranayaan sida Nursinka iyo shaybaarka- waxaa kaloo xafladda kahadlay xubinka mid ah golaha deegaanka Burtinle xaafid Abdirisaak Ahmed oo ka mahad celiyay furitaanka collegeka isagoo sheegay in nursingka iyo shaybaarku ay yihiin  koorsooyin baahiwayn looqabo ayna yihiin asaaskii caafimaadka bulshada. Waxaa kaloo ka hadlay goobta waalidiin ay kamid ahaan Kamas Guureeye oo ku dheeraaday baahida looqabo shaqaale xirfadlayaal ah. Waxaa kale oo kasoo qayb galay madax kasocotay Hay,adda Caalamiga ee  World Vision oo ay kamid yihiin Eng. Nux iyo Mudane Shaafi Jama (Xagar ).

pic2

Markii khudbadihii xafladda ay dhamaadeen ayaa waxaa lawada daawaday bandhig ama presentation kaas oo uu soo jeediyay Dr. Abdihakin dhaashane, iyadoo ay ardaydu toos udaawadeen qayb kamid ah  cutubyo laga soo qaaday maadooyinka kala duwan ee ardaydu  barandoonto, dadwaynihii goobjooga ka ahaa xaladda iyo ardayduba aad ayay ugu riyaaqeen qaabka iyo qalabka casriga ee kuliyaddu ku shaqayn doonto.

pic1

Isku soo wada duuboo, collegekaan lagu baran doono caafimadka waa mid wax wayn ka badalidoono baahida shaqaale caafimaad ee ka jirta degaanadaan Puntaland iyo Burtinleba,maadaama uusan horay uga jirin college caafimaadka lagu barto oo heerkaan gaarsiisan.

Baafinta: Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA