Buul Mareer: (pp)- Xoogaga Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in Askari faransiis ah oo Weerarkii Buula mareer ay ku qabteen isagoo dhaawac ah uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray dagaalkaas.
Akhri: DF ee Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkii Buula Mareer
Askariga dhintay ayaa ka mid ahaa Ciidamo si wanaagsan u tababaranaa oo isku dayey inay soo furtaan sarkaal u dhashay reer Faransa oo oo xoogaga Alshabaab ay ku qabsadeen magaalada Muqdisho sanadkii 2009-kii, illaa waqtigaasna ku jiray gacanta xoogaga Alshabaab.
Alshaaab ayaa sheegay in Askariga geeriyooday ay qabteen isagoo dhaawac ah , kaddibna goob kale ay geeyeen , isagoo markii danbe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray Jimcihii.
Dowlada Faransa ayaa shaacisay in dagaalkii Jimcihii dhacay ay ku dileen 17 ka mid ah xoogaga Alshabaab , inkasta Alshabaab ay dhankooda sheegeen inay iska caabiyeen ciidamada Faransiiska ee soo weeraray.
Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa Sabtidii Saxaafada Caalamka ka sheegay in dagaalkii ay qaadeen ay ku guuldaraysteen , isagoo dhanka kale sheegay in dagaalkaas lagu waayey Hal askari.
Askariga la waayey ayaa Alshabaab ay maanta xaqiijiyeen inuu u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray dagaalka.
Puntlandpost.com