BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

COPENHAGEN: Jaaliyada Puntland oo Xaflad Warbixin Xanbaarsan la qaatay Dr. Maxamed Jaamac Salaad (Sawiro+Video)

February 2, 2013 12:41 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Copenhagen: (pp)- Xaflad aad u qiimo badan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Puntland ee Copenhagen,  laguna marti qaaday Dr. Maxamed Jaamac Salaad ayaa ka dhacday magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Denmark, xafladaas oo isugu jirtay Casho Sharaf iyo Warbixino uu Dr.Maxamed Jaamac ka siiyey Jaaliyada Puntland,  baahiyaha  Caafimaadka ee Puntland ka jira.

SONY DSCXafladaas oo lagu furay Aayadaha quraanka kariimka ah, kaddib ayaa waxaa makarafoonka lagu wareejiyey Maxamed Xirsi (Herlev) oo si wanaagsan u daadihinayey habsami u socodka Casho sharaftaasi.

Daawo Sawiro badan

Casho sharaftaas oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Puntland ee Copenhagen , ayaa waxaa kasoo qayb galay oo kale  Jaaliyadaha jubbooyinka & Jaaliyada deegaanka Soomaalida Ethiopia .

Daawo Xafladii oo Video ah

Dr. Maxamed Jaamac Salaad ayaa Jaaliyada uga Waramay Xaalada guud ee caafimaad ee deegaanada Puntland ka jira, isagoo si guud uga waramay Xaalada Caafimaad Puntland, gaar ahaan Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee uu Dr. shaqsi ahaan uga howlgalo, waxaa kale uu Dr, su’aalo laga weydiiyey Arrimo badan oo dhanka Caafimaadka ku saabsan, isagoo si wanaagsan uga jawaabay.

Dr. Maxamed Jaamac ayaa Jaaliyada ku booriyey inay si guud uga qayb qaataan taakulaynta shacabka Puntland, ayna ku daydaan Wiil yar oo Talyaani ah oo markii la soo gaaray Waqtigii dhalashadiisa , lacagtiisii dhalashada uu ku samaysan lahaa ugu deeqay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo, Wuxuuna Dr-ku Jaaliyada u sheegay in Wiilkaasi uu illaa hada taageero Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Jaamac ayaa aad uga faalooday oo sheegay in Isbitaalka magaalada Gaalkacyo looga kala yimaado Soomaaliya oo dhan, wuxuuna Dr- ku Sawiro muuqaal ah kusoo bandhigay Hoolka casho sharafta loogu sameeyey, isagoo soo badhigay Caruur badan oo ka kala yimi deegaanada Soomaaliya oo lagu qalay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Illaahay raali haka noqdeen Dr. Maxamuud Jaamac wuxuu sheegay oo kale in Isbitaal walba oo Puntland ku yaal ay yaalaan ugu yaraan  gaawaarida loo isticmaalo gar-gaarka deg dega ah (Ampulance) oo dadka jiran lagu soo qaado, wuxuuna mar uu ka hadlayey Isbitaalka sheegay in Ambalaasyo iyo Qalab kaleba oo casri ah ay yaalaan Isbitaalka.

Xafladaas ayaa waxaa ka hadlay Oday Maxamuud Geelle oo ka sheekeeyey Taariikhdii Dr. Maxamed Jaamac, Tallooyin muhiima gudbiyey, Waxaa kaloo ka hadlay goobtaas Xildhibaan Ibraahim Dhaqane oo matalayey Jaaliyadaha Jubbooyinka oo isna hadalo qiimo badan halkaas ka soo soo jeediyey kuna amaanay Puntland inay waxyaalo badan oo la taaban karo ay horrumar ka gaartay , isagoo Dr-ka ka codday in Salaan ka gaarsiiyo shacabka Puntland iyo dowlada-ba.

Sikastaba, Casho sharaftaas ayaa ku soo idlaatay jawi wanaagsan , loogana baahan yahay Jaaliyada Puntland inay Warbixinta  uu Dr. Maxamed Jaamac siiyey ay hoosta ka xariiqaan , taageero wanaagsana u fidiyaan shacabka Puntland iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee dhanka caafimaadka u yimaada deegaanada Puntland.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA