BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

COPENHAGEN: Xawaalada Iftin Exppress ee Danmark oo Dhar ugu deeqday Gladsaxe Sports Clup (Sawiro)

May 30, 2012 9:37 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Copenhagen: (pp)- Xawaalada Iftin Express ayaa dhar ugu deeqday kooxaha waawey iyo kuwa yar yar ee degan magaalada copenhagen ee wadanka denmark,waxaa bisha markay ahayd 20 may 2012 , dhar ay ku taalo astaanka shirkada IFTIN EXPRESS DENMARK, la guddoonsiiyey  Kooxda Gladsaxe Sports Club.

Koxda Junior-ka Galadsaxe Sports Club

Maamulaha guud ee Shirkada Iftin Exppress Mr. Saciid  Maxamed  Saciid ayaa wuxuu guddoonsiiyey dharka Uniformka ku xardhan tahay Astaanta shirkada  Gudoomiyaha Kooxda Juniorka kubada cagta ee Galadsaxe Sports Club, isla markaasna ah Guddoomiyaha sportiga ee copenhagen Mr Maxamed shukri,  waxaa kaloo goobtaas goob joog ahaa guddiga Gladsaxse Sports Club oo kala ahaa  Faarax Ciise & Axmed Dashiishe.
Guddoomiyaha iyo guddiga  ayaa waxay aad ugu mahadceliyeen Xawilaada Iftin Exppress oo marwalba u taagan dhiiri gelinta sportiga dhalin yarada soomaliyeed ee jecel Sportiga, mana aha markii ugu horaysay ee Shiradu dhar ugu tabarucdo kooxaha Sportiga ee Danmark ka jira.

Maamulaha Shirkada Iftin Express Saciid Maxamed Saciid  & shaqaalaha shirkada  ayaa dharka u qaybiyey cayaaryahanada da’da yar ee soo koraya ee ka jira Gladsaxe, kuwaas oo tababar xilliga kulaylaha uga socdo Garoonka Kubada Cagta ee Mørkhøj Skole, Gladsaxe.

Zakariya Farah Isse , Gladsaxe Junior Sports Club

Waxaan leenahay waad mahadsantihiin dhammaan madaxda iyo shaqaalaha Iftin Exppress ee Copengahen, Denmark.

Daabacaadda: Puntlandpost.com

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA