BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

David Cameron: Soomaalida muxuu u sheegayaa oo cusub, 21sano ka dib?! Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

January 29, 2012 9:01 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Faallo: (pp)- David maxaan la ogeyn ee uu soo kordhin doonaa 21sano ka dib?, Soomaalida wax muddada intaas la eg la garansiin waayay laba maalmood laguma fahamsiin karo, walina waxaad moodaa inaysan is af garan, hasa ahaatee waxaa jira hal waligiiba shirarka Soomaalida loo qabto aysan arag, hal shay oo la’aantiis aysan taladu wax tar noqonayn, ee aan is weydiinee marka hore David daacad ma ka tahay inuu dadkaan ka danaysto una daneeyo iyaga?…mise..? Amxaaro, Kikuyu, Jinni madow oo dhan baa laynaga adeejiyay, laakiin sida hadda muuqata waa laynagu aamini waayay inay ina gaarsiiyaan heerka laynoogu talo galay inay ina geeyaan! Waxaan la yaabanaa Ingiriis baa idin damqaday, waxaan si weydiinayay goormuu ka il-baxay in wax la guumaysto? Waase haddii qarnigan lays guumaysan karo ama aan annaga Soomaalida ah  nahay kuwa layna mooday, ee dunidu maanta ugu yeerta Doqommada Geeska Afrika!….

David Cameron , muxuu soomaalida u sheegayaa? by; M.J. Sooyaan

Waxaan aqriyay  qoraal  ilaa sagaal bog ah oo uu soo diray Matt Baugh u qaybsanaha arrimaha Soomaaliya ee dowladda Ingiriiska, waxaan aad ula yaabay qoraalkaas hal meel oo qur ah kagama qorna in la dhamays tirayo si buuxda dhismayaasha hay’adaha dowladda Soomaaliya,iyo in ay ka baxayso Ku-meel-gaarka, qodobbada warqadaas ku qoran ayaa dhammaan si cad waxaa loogaga dheehan karaa in madaxda dowladda aysan xaqiiqada dadka u sheegin marka ay ka hadlayaan arrimaha waxa Beesha Caalamaka loogu yeero ay dalka Soomaaliya ka leeyihiin, lagana yaabo inaysan wax-badan dad-weynaha ku dhaamin.

Warqaddaan ayaa sida ku cad waxaa shirka Ingiriiska lagu qabanayo uu yahay mid lagu xoojinayo go’aannadii Kampala Accord oo sida ay warqadda xusayso xal ka keenay dhibaatooyinkii ka jiray gudaha Soomaaliya, heshiiskii Djibouti ayaa isagana lagu sheegay inuu yahay midka  la sii ambo qaadayo, waxaa intaas ka daran oo cadayniya inaan la rabin in dowlad Soomaaliyeed  la dhiso oo aan horay loo wadin arrimha Soomaaliya sida warqadda ka muuqata in la xoojiyo guulaha ay gaareen ciidammada AMISOM  ee muqdisho ku sugan iyo guulaha ay ciidammada Kenya  dhanka Koonfureed ee Soomaaliya ka gaareen…waa arrin lala yaabo macnaha ka dambeeya shirkan waxaana muuqda keliya oo laga fahmi karaa in shirkan uu yahay shir-qool horseedaya Maxmiyad aad u taag daran  in Soomaaliya loo rogo ama sida ay tahay lagu maamusho ama si ka liidato lagu hayo ilaa 2015ka oo malaha sida ay qiyaasiyaan waxa beesha caalamka loogu yeero ah xilli  aysan noolayn cid wax diida karta oo Soomaali ah.

Waxaa yaab leh waxa shirka noocaan oo kale ah laga doonayo, David Cameron makii  uu ku baaqayay shirkan wuxuu sheegay in dowladda ku-meel gaarka ah waxba qaban isla markaasna  aysan wax ku ool noqon, hadalkiisa wuxuu u ekaa nin caawinaya ummadda Soomaaliyeed  oo doonaya in muddada gaaban ee sanadka ah ee u hartay dowladda ay gaarto is bedel degdeg  ah, ama qorshihiisu yahay inuu ka caawiyo dowladda xagga farsammada iyo xayladaha maamulka sida lagu yaqaanay saaxiibka wanaagsan, laakiin hadda wax kale baa soo baxay!.wax kale baa muuqda, mugdiyo fogfog oo aan dhammaad lahayn baa bidhaamaya.farxaddi ay dad badan farxeenna waxay isu bedeshay Qosol Ku-jab.

Marka la fiiriyo qoraalkan oo ah agenda-ha shirka ayaad arkaysaa in qorshuhu yahay sidii wixii ka dambeeya bisha august  loo samayn lahaa tuulooyin yaryar oo leh maamulo kala googo’an oo mid kasta leedahay gole baarlamaan oo Itoobiya iyo Kenya hoos yimmada, sida ku cad qoraalkan waxaa muhimadda la siinayaa deeqaha (cid ay baahi tiraan wali ma aanan aragee) iyo dadka wada sidii loo sugi lahaa ammaankooda, waxaa laga hadlayaa la dagaalanka argagixisada, waxaa laga hadlayaa la dagaalanka burcad badeedda, laakiin annaga Soomaali hadaan nahay waxaas oo dhan wax ka weyn baa innaga maqan, magacyo ay bixiyeen dalal dana gaara raba inay ku gaaraan, marka waxaa is weydiin ah shirka muxuu Soomaalida u kordhinayaa?! Jawaabtu waa waxba…

Waxaad moodaa  David Cameron inuusan la soo tashan odayaashii arrimahan oo kale waayo aragnimmada u lahaa, waxaa la yaab ah arrimaha lagu sheegay inay noqonayaan agenda-yaasha shirka Soomaalida loo qabanayo hal qodob oo wax ku soo kordhinaya hanaankii qaranimo Soomaaliyeed lagu gaari lahaa kuma jiro, waxaan u malaynayaa David Cameron xisaabtaa ka khaladantay oo sida muuqata si khaldan buu xisaabta isugu jimlaystay, waase haddii ay fahmaan ragga la marti qaaday in xisaabtan ay
khaldantahay.

Waxaa qoraalkan lagu sheegay in lagu sii ambo qaadi doono Road map-kii alysku raacay bishii September ee sanadkii 2011-kii macnaha ma aha kii madax-weynaha SHariif Axmed ka aqrinayay shirkii Garowe ee waa midkii horay  Soomaalidu u diiday ee maamulka dalka oo dhan gacanta Soomaalida laga wreejinayay, waa kii ay barlamanka ku-meel gaarku  laaleen ama ay tuureen October4, 2011, waxaa intaas oo dhan kaaga daran inaan agenda-yaasha shirka meelna looga soo darin hal qodob oo ka mid ah go’aannadii shirkii Garowe ee loogu magac daray Garowe principles, iyadoo waliba ergooyinka Soomaalida ee lagu marti qaaday ay yihiin kuwii shirkaas ku heshiiyay.

David, marka uu sidaas u bareeray, oo uu qaatay ama uu leeyahay waxaan meel marinaynaa Road Map-kii uu barlamanka ku-meel gaarka ah diiday, marka uu Kmapala Accord baan xoojinaynaa, iyo heshiiskii Djibouti, oo uu inkirayo go’aannadii ama Mabaadi’idii Garowe, isla markaasna uu marti qaaday dhinacyadii garowe heshiiskaas ku gaaray, muxuu filayaa? Muxuu ku oranayaa?! Waxaa iyadana meesha ku jirta oo xusid mudan in shirkii IGAD ee hadda (Jan.27,2012) Addis Ababa ku dhammaaday go’aannada ka soo baxay taageero buuxda ayeey IGAD isla garab taageen  Garowe Principles, marka arrimuhu xaggee bay iska diidanyihiin?….

Run ahaantii shirka uu ku baaqay David Cameron, siyaabo badan oo laga shakin karo buu u qaabaysanyahay, murti weyn oo qodobbada hadda la sheegay inay yihiin agenda-yaasha ka dhex muuqata oo aan ahayn in wixii la soo qabtay la sii burburinayo kama muuqdaan, wuxuu ku leeyahay dowladda waxaan ka gudbinaynaa Transitional (Kala-guurka)  waxaana gaarsiinaynaa Interim (Ku-meel Gaarka), waa arrin si weyn uga soo hor jeedda qorshihii ay Soomaalida ku taamaysay ee ahayd inay ka baxdo Ku-meel Gaarka si ay hanto mas’uuliddii dowladnimo oo buuxda.

Dabeecadda shirkana uu ku baaqay ra’iisal wazaaraha dowladda Ingiriiska ayaad is leedahay waa cabsidii iyo  tuhunkii ay qabeen dad badan oo wax-garadka Soomaaliyeed ka mid ah  oo soo if baxday, waxaadna moodaa in sheekadu taagantahay Nabar La Filaayay Naxdin Ma Leh! Soomaalina loo tilmaami maayo waajibaadkeeda iyo hawsha soo korodhay, shaki kuma jiro inay dadka Soomaaliyeed dhibban yihiin, nin kastana uu ka faa’idaystay khilaafka iyo is-faham waaga aan dhammaadka lahayn ee u dhaxeeya sidaa aawgeedna uu wuxuu doono kula hadlo.

Waxaa iyadana jira warar soo baxaya oo aan wali la xaqiijin oo sheegaya in muhimadda qarsoon ee shirkan ay ka mid tahay in ergooyinka tegaya shirkan laga soo ansixiyo maxkamad AMISOM ay leedahay oo iyadu buuxinaysa kaalintii maxkamadda sare ee
Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waxay hadda talada xoogeeda u taalaa marti sharafta David Cameron ee iyagoo magaca ummadda Soomaaliyeed huwan lagu marti qaaday  shirka London, February23, 2012, Dowladda Federal-ka ku-meel gaarka, Puntland, Somaliland,Ahla sunna wa-al-jamaaca iyo Gal-mudug,

Ragga shirkan laga wacay ayeey tahay inay hadda ka sii fekeraan, wax iska weydiiyaan, arrimaha la soo jeediyay isla sii qadaa-dhigaan inatysan tegin. Waa inay  maanka ku hayaan xilka ay maanta hayaan inuusan ahayn xil ay ummadda u dhiibatay sidaa aawgeedna ay ku ixtiraamaan. Waa inay ku talo galaan haddii maant ay xil u soo dhiibaan mas’uuliyiin shisheeye ah inaysan ku naaloon doonin oo berina ay isla iyaga ka qaadi doonaan waliba si fool-xun, gaar ahaan Shiikh Shariif waa inuu maanka ku hayo sharciga uu hadda madax-weynaha ku yahay iyo  midka uu xilka uga dhammaanayo august  isaga iyo maamulkiisa labadaba inaysan ahayn wax Soomaali wax laga weydiiyay.

Nimanka shirkan lagu marti qaaday waa inaysan rajo been ah is gelin oo aysan dalka u horseedin inuu ku dhaco shir-qoolada lala baadi goobayo(mar hore bayba innagu rideenee) tallaabadaas haday ku guulaystaan ayeey shaki la’aan noqonaysaa mid wax weyn ka bedesha himadda shacabka sababna u  noqon karta inuu soo noolaado dareenkii wadaniyadda iyo qaranimo, sidoo kale waxaa waajib inay xasuusnaadaan Mr. David wax cusub inuusan sheegayn laakiin uu egyahay nin raba inuu arrimaha sii murjiyo, waxaana rajaynayaa in dowladaha ay wax innaga dhexeeyaan fehmaan in dadka Soomaaliyeed ay nin kasta kula xisaabtami doonto waxa ay maanta kula dhaqmo..waana dad abaalka guda! …

Daabacaadda: Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA