BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Dhagarta Dowlada Federaalka & Feejignaanta shacabka Jubbooyinka (Warbixin)

February 22, 2013 3:29 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Waxaa soo baxaya maalmihii u danbeeyey falal ay dawlada federaalka Soomaaliya ay dabada ka wado ayna ku doonayso inay faraha la gasho arrimo dastuurka federaalka uu u ogolaanayo gobolada jubbooyinka, waxaase moodaa in waqtigan dowlada federaalka ee Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa dariiqyo badan ay ku doonayso in ay majaxaabiso dadaalka siyaaasadeed ee laga wado deegaanka Jubbooyinka in maamul loogu sameeyo.

Qaar ka mid ah Ergooyinka shirka

Qaar ka mid ah Ergooyinka shirka

Hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo masuuliyiinta kasoo jeeda Jubbooyinka & Gedo ayaa maraya heerkii ugu danbeeyey, waxaana ka dhiman Saacado lagu qiyaasi karo waxaan ka badnayn 20 saaacadood furitaanka shirka laga sugayo inuu beri ka furmo magaalada Kismaayo .

Waxaa  la diyaariyey waxwalba oo tanaasiil ah oo shirka suurta gelinaya , si uu u najaxo shirku.

Madaxweynaha DF

Madaxweynaha DF

Waxaa kale oo xusid mudan in dowlada Federaalka ee Soomaaliya Siiba madaxweynaha oo in la sheegayo inuu ku taliyey in shirka Kismaayo ka furmayo gadaal loo dhigo, arrinkaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo ama khalkhal lagu geliyo shirka maalinka beri ah ka furmaya magaalada Kismaayo.

Raiisal wasaaraha DF

Raiisal wasaaraha DF

Waxaa kaloo meesha cad in madaxweynaha uu siyaasadiisa ay cadahay uu ku doonayo inuu kaga hortago maamulka jubbooyinka & Gedo, waxaana goobta ka maqan muggii siyaasadeed ee raiisal wasaaraha , inkasta oo uu marar badan ku celiyey Raiisal waaare Saacid in dadka kasoo jeeda jubboyinka & Gedo ay u madax banaan yihiin Maamulkooda dowladana ay taageerayso, haddana waxaa loo maleeyaa in raiisal wasaarhu dhanka saxaafada iyo taageerada maamulada jubbooyinka uu ku taageerayo uu aad uga gaabinayo , aamusnaanta iyo qunyar socodnimada raiisal wasaarahana ay ka faa’iidaysanayaan siyaasiyiinta aan  doonayn in laga hirgeliyo  maamul Jubbooyinka & Gedo.

Waa dhanka kale xusid mudan in Siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbooyinka & Gedo  oo aan ka waraysanay shirka looga tashanayo aayo ka talinta mustaqbalka deegaanada Jubbooyinka & Gedo ayaa xusay in aysan jirin cid ay u daba fariisanayaan Maamul u samaynta Jubbooyinka & Gedo hadii ay dowlada ay isku daydaydo in ay carqaladaysana ay noqonayso inay kaga baxeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Kismaayo ee ahayd in dowlada ay taageerayso maamulka Jubbaland iyo Gedo.

” Hadii ay dowladu isku daydayso inay ka leex- leexato waxa uu dastuurku noo ogol yahay , waxaa shaki gelaya in madaxda DF ee Soomaaya  dhaartii ay shacabka Soomaaliyeed ay ka ballan qaadeen ee ahaa inay oofinayaan kuna dhaqmayaan dastuurka iyaga lagu dhaariyey ee lagu soo doortay ” ayuu yiri mid ka mid ah Oday dhaqameedka uu hardamaya inuu shirkaasi najaxo oo ku sugan guddaha magaalada Kismaayo.

Waxaa kaloo xusid mudan in shacabka jubbooyinka, siiba kuwa ku nool magaalada Kismaayo ay maanta aad ugu faraxsan yihiin Shirka Beri ka furmi doona magaalada Kismaayo , iyagoo rajo weyn ka qaba in wax wanaagsan ka soo baxaan haddii Eebe raaliga ka dhigo shirkaasi.

Su’aasha ugu weyn ayaa ah , ma shacabka Jubbooyinka & Gedo ayaa ku guulaysan doona  in sidda Tastuurku uu ogol yahay ay samaystaan maamulkooda , mise waxaa hirgelaya shirqoolada dowlada Federaalka siiba madaxweynaha iyo rag la siyaasad ah oo ku doonayaan inaysan waxba ka hirgelin deegaanadaas?? aan la sugno Waqtiga…!!

Sikastaba, filo waqtitayada soo socda iyo wararka jubbooyinka.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA